Salaanta Islaamka ayaan idin ku salaamayaa dhamaantiin iyo inta akhrisan doonta qoraalkan. Qorida maqaalkan waxaa igu qasbay markii aan arkay wadaadadii la dagaalamayay cadowga Alle (Itoobiya) iyo cadawga isirka Soomaaliyeed oo dagaalkii joojiyay sheegeena in nabad dhacday heshiisna la galeeyn gaalada dhulka Soomaaliyeed (Ogaadeenya) cududa milatari ku heeysata.

Halkan hoose waxaad ka daawan kartaan xaqiiqda dhulka iyo dadka aad ka soo jeedaan. Intan yar ee reer galbeedju soo duubeen waxa kun jeer ka badan inta aanan la soo tabin.

Riix halkan :

http://ireport.cnn.com/docs/DOC-596395

Dib ugu noqon maayo in aad heshiis la gasheen Itoobiya ama in aad isdhiibteen waxaasne rabaa in aan iftiimiyo ololaha aad ugu jirtaan in Itoobiya la isu dhiibo adinkoo gudaha iyo dibadaha wareegaya is kuna dayaya in shacabka iyo raga geerida ka doortay gumeysiga (ONLF) damiyaan dabka baxaya ee lagu doonayo in cadawgaa arxanka daran la is ka tuuro.

EPRDF iyo ONLF, Melez iyo Maxamed keebaa idin xiga dhinaca diinta iyo wada dhalashada marka la fiiriyo. Maxaad kaga duwan tihiin markii uu Sayid Maxamed gumeeysataha la dagaalamayay kuwii cadowga la soo saftay isagana ku diigsanayay iyadoo la ogyahay in gumeeystuhu uusan marnaba kala saarin kan u ololeeya iyo kan la dagaalama ee ka soo wada jeeda umadu uu rabo in uu duleeysto.

Waxaad tihiin dad culumo ah ugu yaraan inta daahirkiina ka muuqato uurkiinana Allaa og waxaase jira oo aydaan inkiri karin in qaarkiin sameeyay qar ka dhac aanan xitaa qofka caamada laga filan. U gargaar walaalkaa haduu madhluum ama dhaalim yahay Xadiithkii Rasuulka CSW in aad igaga aqoon badan tihiin ayaan filayaa. Ma waxaad leedihiin shacabka Ogadeenya weey dulmiyeen Itoobiya mise iyadaa wax dulmisay oo dhulkoodii qabsatay. Culumo iyo caamo waxa la is ku raacsan yahay in umada Soomaaliyeed ee Ogadeenya la dulmiyay, maxaad ugu gargaarteen?

Waxaad asal ahaan ka soo jeedaan gobalkan gumeeysiga rafaadiyay waxuuse Alle idan siiyay magac iyo maal oo malyan dheer ayaad tihiin. Su’aashu waxa weeye marka laga tago nabad ku sheeg oo idinka laftiinu eydaan dhaafi karin Jigjiga maxaad anfac ah oo aad umadun dulman ee dilka, dhaca, kufsiga iyo gaajadu isugu darsantay u geeysateen. Rasuulku SCW ehelka iyo waxa ay gacanteenu hanatay ayuu nooga dardaarmay maxaad Alle SW hortiisa ku jawaabi doontaan marka la idin weeydiiyo ehelkiina oo maanta dayacan gaajo iyo oon u dhimanaya adinkana dibirta iyo daacadu is daba joog tahay welibana waqti iyo xoog galinaya in loo sacbiyo midka ehelkiina dhibkan dabay.

Muminka marka uu munkar (wax dhibaya la kulmo) waxuu u kala baxaa sida Rasuulku sheegay SCW : mid ka dagaalama oo gacantiisa ku badala, mid aan dagaal awoodin ee afka furta iyo mid aan labadaba awoodin oo niyada ka naca. Sh Umuloow, Ibraahim, Shibile iyo kuwa aad is ku bahda tihiin intan calaamadood oo uu Rasuulku SCW sheegay midna kuma sifeeysnidiin is kaba daayoo af iyo adin ayaad ku difaaceeysaan kii munkarka (gumeysiga) waday.

Waxaan idin kugu nasteexeenayaan sida SH Cumar Faaruuq, Sh Ibraahim Cabdale Allaha janadii ka waraabiyee, Sh. Shariif, Sh Nuur Baaruud iyo kuwa kaloo fara badan in umadan dulman garab istaagtaan joojisaana maxabada aad u heeysaan gaalka waalidkiin iyo walaalihiin gumaadaya mudo hada qarni ku dhow.

NB Isticmaalka magaca Ogaadeenya wax cuqdad ah kama qabo marka dhulkaa lagu tilmaamayo sida dunida looga yaqaano.

Asad C/Salaan

Muumin2008@hotmail.com