Maamulka Jaaliyada London ayaa isugu yimid shir shaqeedkii Maamulka oo Todobaadle ah. shirkan oo lagaga hadlayay halka uu marayo diyaargarowga ay jaalliyaddu ugu jirto ka qayb galka muddahaaraadka ay Jalliyadaha Ogadeniya ee europe ku hor samayn doonaan xarunta barlamanka Europe, ee magaalada brussels, 21/06/2012.
Gudoomiyaha Jaaliyada London Mudane Xamse Shariif ahna Gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada oo sii wada hawlaha jaaliyada ayaa sharaxaad ka bixiyay qorsheyaasha u hirgalay Jaaliyada.
Xoghayaha dhalinyarada Jaaliyada London Bashiir Cabdi Shakuur.  ayaa si tafaftiran u sharraxay halka ay marayso qaban qaabadii ugu danbaysay ee Barnaamijka OGADEN NIGHT oo lagu qaban doono magaalada London Habeenka taariikhdu tahay 16/6/2012.
Shirka waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay xubno ka mid ah maamulka sare ee OYSU oo uu hoggaaminayo mudane Mujaahid sh. Ibraahim iyo md Maxammed Sallaxaad.
Jaaliyada London ee wadanka UK ayaa Bishan barnaamijyo badan ku howlan oo la xidhiidha arrimaha bulshada.
ONA
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay