Ogaden News Agency (ONA)

Xabsiyada Puntland oo Muwadiniinta Ogadeniya lagu jidh dilo. Filim iyo Warbixin

Xabsiyada magaalooyin kamid aha gobolada Putland waxaa ku jira dad fara badan oo ka soo jeeda Ogaadeeniya kuwaas oo xiliyo kala duwan la xidhay mana jiraan wax sabab oo dadkaas qab-qabashadooda loo aaneeyey kasakow inay ka soo jeedaan dhulka Ogaadeeniya ee Gumeysiga kujira loona sheegayey in ayna ku dhalinin Putland. Hadda ka hor Madaxweynaha Gobolka Puntland ayaa sheegay in dadka kasoo jeeda Ogadneiya aysan aheyn Somali, si uu u xalaalsado dhibaatada dadkaas somaliyeed ee gumeysiga ku jira. Waxaa Eega kusugan Xabsiyada Puntland dad aad u badan oo muddo dheer xidhan maalinkastana kuwo hor leh ayaa lagu xidhaa.

Dadkan ayaa isugu jira dhalinyaro,Ganacsato,Odayaal kuwaas oo gobolada Putland u yimid hawlo ganacsi halka qaarna ay socodaal ku marayeen oo ay u sii jeedeen gobolo kale oo dalka Soomaaliya ah.

 

Dadka ku jira Xabsiyada Putland ayaa si xun ay u jidh dilaan askarta ciidamada putland iyagoo qaar kamid aha dadkaas laga qariyo dadka ehelkooda ah ee booqoshada oogu taga maadaama ay arkayaan  dhibaatada loo gaystay dadkaas.

Badal Cabdi Xuseen

Waxaa kamid aha dhibaneyaasha xabsiyadaas ku jira Badal Cabdi Xuseen oo lagu xidhay magaalada Boosaaso Bishii Febraayo ee 2012 sanadkan  wuxuuna ku xidhanyahay Xabsiga Ciidamada P I S ta  waxaan jidhkisa ka muuqada Jidh-dil xoogan oo gacamaha iyo lugaha u badan gacmihiisan waxaa ka dhacay hilibka. Sida ka muuqda filimka kore.

Muwaadinkan oo ahaa ganacsade magaalada Bosaso ku lahaa dukaamo ayaa xiliga la soo qabanayey waxaa laga qabtay dukaankiisa halkaas oo ay oogu soo galeen ciidamada PIS ee hada uu xabsigooda ku jiro ilaa iyo hada majirto cid og sabab Badal iyo muwaadiniinta kale ee xabsiyada Putland ku jirta loo haysto.

Ilo xog ogaal aha oo aan kala hadlay Magaalada Boosaaso ayaa noo xaqiijiyey in dadka Boosaaso ay aad oola yaabanyihiin wax lagu hayo muwaadiniinta Soomaalida Ogaadeeniya iyo dhibaatooyinka loo gaysto balse waxay dadkani sheegayaan in ay jiraan dad kale oo u dhashay Putland oo iyaguna xabsiyada ku jira kuwaas oo aan wax dacwada ah lagu soo  oogin.

Waxayna taasi tilmaan u tahay baaxada dhibaatada ka jirta Gobolada Putland iyadoo maamul ku sheeg halkaas ka jirana uu ku guul dareysay in dadkaas la sii daayo ama la sheego sababaha xabsiyada loogu hayo.

ONA/Boosaaso

 

 

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12276

Posted by on Jun 5 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 8,853
  • Last 7 days: 58,059
  • Last 30 days: 227,340
  • Online now: 36
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com