Dil iyo xidhay baahsan oo ciidamada Gumeysigu ka geysteen Ogadeniya
Wararka Tacadiyada Gudaha Ogadeniya 31 May illaaa 07/ June 2012
Askarta gumaysiga ethiopia ayaa waxaa caado u ah markasta oo lagaga itaal roonaado goobaha dagaalka ee ay iskaga horyimaadaan iyaga iyo naftood hurayaasha CWXO inay ku gaydhadaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan waxayna ugaystaan tacadiyo isugu jira dil dhac xadhig iyo ciqaabo kale.
Haddaba tacadiyadii ugu dambeeyay ee nagasoo gaadhay gudha ogaadeniya ayaa sheegaya in dad aad ufarabadan lagu xidhxidhay gudha ogaadneya iyadoo ay jiraan dadkale oo lalaayay.
Tacadiyadaas ayaa waxay u kala dhaceen sidaan
Dil
31 /05/ 12 Dhabiiley oo galaashe katirsan Waxay askarta naxariista daran ee gumaysiga Ethiopia ku dileen allaha unaxariistee
Mataan Maxamed Iyo
Xasan Aadan oo kumagac dheeraa (Garuur)
01/ 06 /12 Galadiid oo qabridahar katirsan ayaa waxaa lagu xidhxidhay dadka kala ah
sanbiidh axmed Sahal
Cabdi muxumed
Dakhare Digaale
Bishaaro cabdi xaydhe
Maxamuud sheikh cabulaahi
Xasan-kaan maxamed Daahir
Muxumed nuur cabdi koore
Maxamed carab
Iyo Maryan faarax gaacuur
02/ 06 /12 Burqayar oo dhanaan katirsan waxaa lagu xidh xidhay dadka kala ah
Bashirr cabdi khaliif
Sanay nuure
Xuseen nuure
Cabdi muxmed dhawre
Bashiir maxamed layl
Khaliif sheikh maxamed wayrax
Cabdulaahi macalin maxamed cabdi Iyo
Ina xasan shugri
05 /06/ 12 magaalada Qabridahar ayaa waxaa lagu xidhay
Hinda cali yuusuf
02 /06/ 12 magaalda Dhagaxbuur waxaa iyana lagu xidhay
Cabdidheere xasan diyaar
Iyo Bishaaro cabdulaahi gadhle
07/ 06/ 12 Dhagaxmadow waxaa lagu xidhay
Sheikh faysal cabdi shugri
Iyo Ruqiya cabdulaahi
04/ 06/ 12 Isku-dhoonley oo katirsan Qabridahar waxaa lagu xidhay
Shugri siciid cabdi Iyo
Cabdi-makhtal afdhhuub
04/ 06/ 12 Dhuxun waxay askarta gumaysigu ku xidheen
Ardo suldaan cabdi yare Iyo
Bishaar xuseen
Shacabka ogaadeeniya ayaa waxaa nolol maameedkooda kamid noqotay ciqaab joogta ah oo ay ugaystaan Askarta naxariista daran ee Gumaysiga Ethiopia.
Kalasoco Wararka Tacadiyada Ogadeniya ONA.
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12365














