Gudomiyaha Ururka OYSU Xoghaye Mujaahid Sh Ibrahim Iyo Marwo Luul oo aqal galay.
Xoghaynta Guud ee Ururka Dhalinta iyo ardeyda Ogadeniya Halgame Mujaahid Sheekh Ibraahim iyo Marwo Luul Cabdi Macalin oo ah iyana Xoghaynta Qaarada Pacific ayaa meherkoodu ka dhacay Wadanka Australiya maanta oo taariikhdu tahay 09/06/2012.
Labada muwaadin oo safka hore kaga jira kacdoonka halganka lagu raadinayo xoreynta dhulka Ogadeniya una qaabilsan qeybta dhalinta ayaa waxay u tahay farxad gaar ahaaneyd dhamaan shacabweynaha Somalida ogadeniya. Waxaana Wakaalada Wararka Ogadeniya soo gaadhay qoraalo badan oo kasocda Ururada dhalinta iyo Jaaliyadaha Somalida Ogadeniya oo dhamaantood u diraya tahniyad Halgame Mujaahid Sheekh Ibrahim iyo Halganto Marwo Luul.
Halganka Ogadeniya oo dhalintu ka yihiin hormuud kaalintoodana ay si sharaf leh ugasoo baxeen uguna howlanyihiin wali sidii loo dhameystiri lahaa gudashada kaalintooda illaa xoriyada laga gaadhayo ayaa hadaba waxaa soo kordhayay maalinba maalinta ka danbeysa in Xafladaha Meherka Iyo Arrosyadana lagu soo kordhiyo sumado cusub oo kamid ah kaqeybqaadashada Halganka.
Markii uhoreysay sanadahan inta laxasuusto Waxaa Arroosyada lagu soo kordhiyay
In lagu furo Heesta Calanka Ogadeniya
In Gabaatiga lagu tabaruco Agoonta iyo Halganka Ogadeniya
In Gabdhuhu kaga dhabeeyaan ereyga ah JWXO mooye ninkale agteyda hasoo marin.
Dhalinta Ree Ogadeniya ayaa waji cusub furay waxaana soo badanaya dhalinta xubnaha ka ah ururka OYSU oo aqalgalaya islamarkaasna buuxinya tiir kamid ah Tiirarka Islaamka qeybta ugu muhiimsan oo ah Guurka oo Allaah quraanka inagu faray in Loo Guuriyo dhalinta.
Waxaa Hadaba dhowaan iyana sidoo kale kamid ahaa xubnaha ururka OYSU ee aqal galay
Axmed kahin oo kamid ah Dhalinta OYSU USA iyo Sulekha oo Kamid ah Dhalinta OYSU London oo todobaadkii hore meherkoodu ka dhacay Geeska Afrika. sidoo kale waxaa jira xubno badan oo kamid ah ururka dhalinta oo sidaas oo kale aqal galkoodu dhowaan dhacay.
Wakaalada Wararka Ogadeniya ayaa dhamaan Xubnaha DHalinta Ree Ogadeniya ee aqal galay u diraysa tahniyad kuna boorinaysa dhiranaaantooda iyo firfircoonida ay halganka ugu jiraan. Gurigu waa qeyb kamid ah halganka.
Waxaana Masuulka Ururka OYSU Mujaahid iyo Luul masuliyaada cusub ee kusoo koradhay Allaah uga baryaynaa innuu ku guleyo kana yeelo Aqalkaas cusub ee Islaamka ah Aqalkii Xoriyada Ogadeniya. aqalkii Caruur Xoriyad doon iyo caruur xor ahi ku dhashaan guri Allaah raali kanoqdo oo cimrigooda si farxad leh ku dhameystaan.
ONA
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12369














