Iftiin oo ka tirsan jaliyadaha Ogadenya ee Geeska Afrika oo ku kulmay xerada Xagardheere
Waxaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 10 June 2012 xerada qaxootiga ee Xagardheer lagu qabtay kulankii billaha ahaa ee faraca Iftiin oo ka tirsan jaaliyada Ogadenya ee Bariga afrika.
Shirka oo si fiican looga soo qaybgalay ayaa wuxuu bilowday saacada afrikada bari markay ku beegnayd 8:00 subaxnimo ee maanta waxaana kasoo qayb galay dad aad u badan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada sida: hooyooyinka, dhalinyarada, odayaasha, culimo awdiinka iyo qaybaha kale ee bulshadu ka kooban tahay.
Shirka oo ujeedadiisu ahayd Xog-warran, kala warqaadasho iyo tashi abaabul ayaa waxay dhamaan masuuliyiintii iyo xubnihii ka hadlay hoosta ka xariiqeen sidii sare loogu qaadi lahaa loona xoojin lahaa howlaha kala duwan ee faraca jaaliyada iyo weliba sidii looga feejignaan lahaa isla markaana looga hortagi lahaa mardabooyinka iyo shirqoolada gumaysiga ee wajiyada kala duwan xambaarsan.
Sidaa oo kale wuxuu shirku hambalyo heer sare ah u diray CWXO iyagoo si gaar ah u xusay guulihii ugu dambeeyey ee ay CWXO ka gaadheen goobaha dagaalka,shirkaas oo ahaa mid ay ka qaybgayalaashii ka muuqatay dareen sare oo wadaniyeed ayaa wuxuu kusoo gabagaboobay guul.
Faysal yare/Xagardheer-Kenya
ONA.
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12406














