Qiimo Darrida Doolaal & Qawlaysiga Gumeysiga – By Xaaji Maxamad
Maqaalkan waxaan ku eegi doona Doolaal Adan Dhagoole iyo qaybat uu ka qaatay boobka iyo baada xoolaha Soomaalida ku nool magaalada Dubai.
Hordhac yar:
Gumeysiga Itoobiya sida la wada ogsoon yahay waxaa soo wajahday dhaqaale xumo badan. Sababtoo ah dalka Itobiya dhaqaalihiisa waxaa saldhig u ahaa wax soo saarka beeraha, taasoo gabaabsiday dhawr sababood oo ay ka mid yihiin dagaalada joogtada ah ee dalka ka socday mudada dheer iyadoo xukuumadda Wayaanaha dadkii beeralayda ahaa ay ka soo qafaalayso marwalba tuulooyinka oo dagaalka ka socda Somaliya ama Ogadenya ku soo shubaysa iyo abaaro badan oo dhaliyay macaluul ay badidood sabab u tahay taliska ka jira Addis Ababa. Waxaa kaloo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka socda mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo taliska macangaga ah ee Meles Zinawi. Afartii bilood ee u dambaysay sanadan waxaa caasimadda Addis Ababa ka socda mudaaharaadyo ay ka soo qayb gelayaan dadk ka badan boqolaal kun jimca kasta. Dhinaca kale, wadamo badan ayaa kaalamadii dhaqaalee ay siin jireen ka joojiyey qaar kalena way yareeyeen kaalmada. Dalka Itoobiya wuxuu guud ahaan ku tiirsanaa gargaarka shisheeyaha tan iyo laga soo bilaabo dhamaadkii Dagaalkii Labaad ee Dunida. Dawladaha EU waxay ku dhawaaqeen in ay ka fiirsanayaan dhamaanba kaalmadii ay siin jireen Itoobiya haddii ayna joojin ku xad-gudubka xuquuq insaan ay ku hayso shacabka gaar ahaan shacabka Ogadenya. Sidaa darteed, waxaa sare u kacay qiimaha maceeshada. Waxaa hoos u dhacay qiimaha Birta Itoobiya oo waxba goyn la’. Sicir baraarka ayaa aad sare ugu kacay wadanka gudihiisa, taasoo keentay in dadweynihii caadiga ahaa ay ku adkaatay noloshii. Badeecada wadanka soo gasha oo qiimo sare ku timaada madaama aysan Itoobiya lahayn dekad ay wax kala soo degto iyo dad gaar ah oo la siiyey ruqsada wax soo dejinta kuwaas oo qiimaha badeecadda siday rabaan u go’aamiya.
Xukuumada TPLF markay arkeen khatarta dhaqaale xumo ee ku soo food leh ayay waxay bilowday in ay dhulbeerdkii dadweynuhu beeran jireen ka gaddo shirkado shisheeye ah. Waxaa halkaas ku shaqo iyo hanti beelay dadkii lahaa dhulka laga gaday shisheeyaha. Dad aan ka yarayn 15 millyan ayaa macaluul u dhimanaya Itoobiya dhexdeeda. Sawirka guud ee dhaqaalaha Itobiya waa midkaa.
Boobka Somalida iyo kuwa loo adeegsanayo:
Iyadoo ay dhaqaala xumada soo food saartay xukumada kali taliska ah ee Meles madaxda u yahay ayay bilowday mashruuca Biyo Xidheenka oon dhaqaalihii lagu dhisi lahaa ayna awoodin. Biyo Xidheenka ay leedahay waxaan ka dhisaynaa Webiga Nile waxaa ka gaws qabsaday dalalka caalamiga ah oo u arka inayna dhowr sababood darteed u midho dhalaynin: dhaqaalaha ku kacaya dhisidda oo aad u badan oon u qalmin faa’iidada ka soo baxaysa, meesha uu ku yaalo oon ku fiicnayn dhismaha biyo xidheen noocaas ah, khilaaf aan la dhayalsan kaarin oo sameynta biyo xidheenka keenayo oo ka dhex taagan dawladaha manaafacaadsada webiga Nile, sida dalka Masar iyo Suudaan iyo isaga oo marka la dhiso faa’iido badan aan soo saaraynin. Sidaa darteed, ayay ka caga jiideen inay maal gelin ku sameeyaan dawladaha deeqda bixiya iyo Bangiga aduunka. Sidaa awgeed, jid kale oo u furan ma jiro oon ahayn inay baryootan iyo boob dadka Somaliyeed la dhex gasho, maadaama aanay lahayn dawlad ka celinaysa. Waxaa la wada ogsoonyahay in lacagta ka soo baxda canshuurta ay qaadaan maamulada ay ka dhiseen Somaliya iyo dakadaha qayb laga siiyo xisbiga TPLF ee qawmiyadda Tigreega.
Laga bilaabo sannadkii 2011 dabaayaaqadiisii waxay weerar indho la’aan ah ku soo qaaday shacabka Soomaaliyeed meel uu joogaba. Itobiya iyadoo ka faa’idaysanaysa dagaalka sokeeyaha iyo dawlad xilkas ah oon ka jirin Somaliya ayay waxay noqotay dawlada sida dhabta ah u xukunta dadka Somaliyeed, waxay doontana ka hesha si qasab ah. Dhibaatada Itoobiya ay ku hayso shacabka Somaliyeed gabi ahaantii oon la soo koobi karin, ayay hadda waxay bilowday inay si qasab ah uga urursato dhaqaale been ah oo loogu magac daray maalgashi dhismo biyo Xidheen. Waxaa nasiib darro ah inay jiraan qaar u heelan inay shacabka Somaliyeed ogolaysiiyaan dhaca uu gumeysiga Itoobiya ku hayo ee sharci darada ah.
Waxay ahayd bishii Marso 2012 markii magaalada London uu ka dhacay in xawaaladaha iyo hayadaha Telefishinada ee Somaliyeed qasabka lagaga qaaday lacago ayna awoodi karin. Waxay dawlada Itoobiya soo wakiilatay inuu arintaa ka soo shaqeeyo oo handado haya’daha Cabdi Eleey (Cabdi UBO) oo dambiilaha dagaal ee ugu weyn ah. Wuxuu khaa’in waddankaasi ka qaaday shirkadaha Xawaaladaha iyo dad shakhsiyaad ah iyo TV Channel-ada Somaaliyeed xoola badan. Waxaan iyadana qarsoonayn sida oo kale in maalka si is-dabajoog ah looga dhaco shacabka Ogadenya ay Itobiya ay gumeysato.
Todobaadkii hore ee bishan June, 2012 waxaa magaalada Dubai ee dalka Emaraatka Carabta ka dhacay boobkii ugu weynaa ee ganacsatada Somaliyeed ee dalkaas ka ganacsata iyagoo baad lagaga qaaday hanti aad u badan oo milyan ka badan. Hantidaas shacabka qasabka lagaga qaaday waxaa gumeysiga wakiil u ahaa Doolaal Adan Dhagoole oo ka mid ah dalka Somaliyeed ee Itoobiya sida tooska ah u gumeysato, oo ehelkiisii ay gumeysatada soo wakiilatay si maalinle ah u gumaadayso. Dolaal isagoo uu la socdo Qusulkii Safaarada Itoobiya ayuu isugu yeedhay shirkadaha Xawaaladaha iyo ganacsatada dagan Dubai, ka dibna isaga ayaa amray inay dhaqaale badan bixiyaan oo kii bixin weeyana uusan Itoobiya iyo Somaliya midna ka ganacsan doonin. Wararka ka imanaya waxay sheegayaan inay ganacsatada codsadeen inuu ka boxo goobta say uga wada tashadaan habkay u qaadan lahaayeen lacagtan baada ah, hasa ahaatee wuxuu ku adkaystay in isagoo la jooga ay go’aamiyaan arinta taasoo handadaad dhaqanka ka baxsan ahayd. Ugu dambayntii waxay ganacsatadii Somaliyeed ku qasabtay inay meeshii ku bixiyaan lacag gaadhaysa 1.2 milyan oo Doolarka Ameerika ah.
Hadaan xoogaa dulmar ah ku samayno taariikhda Doolaal Adan Dhagoole, anagoo in badan gadaal u dhigan doona, wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii Somaliyeed. Markuu taliskii Soomali burburay wuxuu u soo cararay dhanka Ogadenya. Wuxuu ka mid noqday maamullkii ku meel gaadhka ee Ogaddenya loo magacaabay markii Woyaanuhu qabsaday Itoobiya. Hasa ahaatee, markii uu danihiisii gaarka ahaa ka waayey ayuu Doolaal ka soo tagey oo dalka Imaraadka uu dilaal ka noqday.
Doolaal sida lagu yaqaano waa nin aan mabda’ joogta ah lahayn. Markii uu Barlamaanka Degaanka Ogadenya soo galay wuxuu ku soo galay inuu yahay Xubin ONLF ah. Markuu helay kursiga wuxuu ka baxay ururkii. Taliska Tigreega ayuu aad isugu looxay, hasa ahaatee kooxda TPLF oo shaki weyn ka qabay saraakiishii Somaliyeed gaar ahaan kuwii u dhashay dalka ma’aanay aaminin, waxayna noqotay inay biyo hoostood iska haraatiyeen, ka dibna uu baxsad kaga soo cararay. Wuxuu yimid Imaradka halkaas oo dilaal iyo ganacsi ka bilaabay, wuxuu in muddo ah taageere u ahaa ONLF. Waxaan maanta arkaynaa inuu taliskii Itoobiya uu doonayo inuu ku dhex galo oo dhaqaale abuur u sameynayo loona adeegsanayo ka horjeedka halganka xaqa ah ee shacabkiisa.
Yaa garan kara berri waxa uu sameyn doono! Itoobiya way taqaanaa Doolaal oo aamini mayso wax kasta uu u qabto, waa “markhaati beenaale nin kuu furay dantaadii ku qunsatay wuxuu yahayna baratay”. ONLF-na way taqaanaa. Marka bal aynu dhowrno kobta uu ka budh yidhaahdo.
Xaaji Maxamed/London,Uk.
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12423















waxaan ku faraxsanahay qoraalkan maadaama aan waxbadan ka ogaa arintan.
Salaan ka dib; Cinwaan aan saxsanayn akhristihii ku soo gudbiya comments-kiisa maamulka ONA wuxuu xaq u yeelanayaa inuusan soo daabicin.
Waanan ka xunahay inuu khadar cinwaan aan jira ku soo gudbiyay ra’yigiisa.
ONA
Maxamed khadar
Sharjah
UAE
Waxaan jeclaan lahayn in masuuliyiinta JWXO ay maqaalkan oo kale eedeecadaha BBC, TVyada kasheegaan si dadaka somaaliyeed ooga waan toobaan gacan siinta gumaysiga iyo dhaqaale siinta
bahwanta ogadennet waan idni salaamay anigu waxay ahay dab qoodhi mar walbase waan aqriyaa waxaad soo qortaan waxaan se idiin sheegayaa in aad waligiin maanta run soo qorteen doolaal cidina ma aaminayso anigu waxaan jogaa adhis ababa waxaanan u shaqeeyaa hayad sama fal waxaan se agahay hadii uu doolaal yimaad adis inj uu xadhig galayo waana loo sheegay qusulka dubi misganu in uusan dolaal wadankan imaan karin laakiin dolaala markuu taas ogaaday xanuun ayuu la dhacay isbitaak ayuu jiisaa xaaladuna way cakiran tahay xataa waxay ethiobiya taqaanaa meeshuu ka dagan yahay uae marka waxan idiin sheegyaa ubooy in uu dolal bada ka cabay hasha labda geel jecel meel u dhaxaysa ayay ku dhimataa waxaana dab gal xoog leh ku haya jaaliyda dubi arinkas si taxdar leh ayay ula socdaan