Kuwa diinta ku nool ee dhaafsaday bidh-bidh aduunyo
Waxaa jira erey bixin (مصطلح) caalamka islaamka ula baxay culumada u adeega xukunka jira kolba ee sidaa ku nool. Waxaana loogu yeedhaa (علماء البلاط) oo loola jeedo kuwa agjoog-jooga boqorka ama xukunka ka jira dalkaa ee kolba siduu doono masalada ugu ansixiya ama jiifiya. Arintaas dalkeena lagama aqoonin hadda ka hor, sababtoo ah shacabka Somalida Ogadenya wuxuu ka midaysnaa gumaysi la dagaalanka, waxaa kaloo jirtay xukuumad Somaliyeed oo wadaadada xataa kuwa macaan jecelka ah ay u soo shaqa tagi jireen, isla markaana laga cabsan jiray. Markuu burburay qarankii Somaliyeed oo la waayay meel loo shaqa tago, nin walba waxay noqotay inuu meheraduu garanayay ku shaqaysto. Qof walbana meel ayay madaxa u galisay.
Waxaa 1991 soo baxay urur xooggan oo dhaqaale aad u badan ka heli jiray gaar ahaan maal-qabeenada dalka Sacuudiga oo doonayay inay soo nooleeyaan jihaadka. Ururkaa oo la odhan jiray Al-Itixaad Al-Islaami (AIAI) ayaa farac ka mid ah Ogadenya looga ogolaaday inuu xafiisyo ka furto iyo caasimadda Itobiya ee Addisababa. Dawladda Sudan oo nufuud xoogan ku lahayd ururka TPLF ee qabsaday xukunka Itobiya ayaa ka dambaysay arintaa. Laba sano ka dib dagaal xoogan ayaa ka dhex qarxay xukunkii Wayaanaha ee TPLF iyo ururkii Itixaadka, dagaalkaa oo lagaga adkaaday Itixaadkii, dalkana looga saaray. Ka dib 1996kii ayaa waxaa lagaga dhawaaqay Villa Somliya oo xarun u ahayd xukuumadii Caydiid ee Salbalaadh urur ku abtirsada Itixaad hasa ahaatee loo bixiyay magac kale oo ah UWSLF si loogu badhxo qaybo ay wateen Salbalaadh.
Taariikhdaa kooxdaa oo laga wada dharagsan waxay kolba meel soo martaba, waxay ku soo biya-shubatay inay u galaan gumaysiga ka dib markay u fuli weyday ujeedooyinkii laga lahaa. Dadweynaha caadiga ah waxaa aad ugu adag inay fahmaan qof diin xambaarsan inuu cadawgooda u shaqayn karo, waana arimaha ay ka faa’idaystaan sirdoonka oo lagu qaso shacabka oo diintooda lagu jahawareeriyo. Dad badan ayaa aaminsanaa iska horimaadkii u dhexeeyay UWSLF iyo ONLF inay sabab u ahayd – diinle iyo diinlaawe –, iyagoo waliba ka faa’idaysanaya fahalmkaa ayay aad u sii buun-buuniyeen Ibraahim dheere gaar ahaan si ONLF loogu dhibaateeyo. Dhalinyara badan ayaana arintaa darteed loogu toogtay meela kala duwan oo dalka iyo dibadiisaba ah iyagoon waxba ogayn.
Arintu waxay soo socotaba waxaa hirgalay balantii Ilaahay ee ahayd inuu soo saarayo oo fadeexadeynayo kuwa noocaa ah ee dadka muslimka kula dhex jira nifaaqa iyo been abuurka ee safkooda kala gaynaya. Waxay noqotay inuu gumaysigii u yeedho isagoo u arkay in soo galitaankooda ay uga faa’iido badan tahay dibad joogoodii.
Waxay cajaladooda soo rogantaba waxay hadda ku soo biyashubteen inay noqdaan afhayeenka Itobiya uga dhex ololeeya dawladaha Carabta gaar ahaan Khaliijka iyagoo loo soo dhiibayo kolba fariimo ay ka mid tahay in Itobiya ay ka jirto hadda xukuumadda diinta Islaamka jecel oon waxba u dhimayinin, inay tahay xukuumada Wayaanaha mid ogol dacwada inay socoto. Waxaad arkaysaa meeshii lagu sheego inuu ka socdo shir culumada islaamka ay isugu imanayaan iyagoo dhex taagan oo iskood u yimid ama loo soo diray. Nin culumada Somalida ka mid ah oo ag-fadhiyay Ibraahim dheere shir lagu qabtay Doxa maalin dhaweyd ayaa iiga waramay inuu ku ceebeysnaa goobta, gaar ahaan markay culumada ka hadlayeen fadliga jihaadka iyo inay diin ka bax tahay in cadawga la’isu dhiibo. Waxay la mid ahayd shirkii lagu qabtay Suudaan oo uu sidoo kale isugu dhex tuuray Ibraahim dheere oo sidoo kale khudbadii Khaalid Mishcal uu u adkaysan waayay. Nin isduleeyay oo cadawgiisii u gacan hoorsaday oo sharaf ku dhamaystay dunida horeyna looma arag dib dambena looma arki doono.
Waxaa kaloo ay dadka la dhex socdaan oo naga soo gaadhay shir ay isugu yeedheen dhowr ka mid ah wadaadada masaajidda Qatar inay yidhaadeen; anaga hadda wax walba farahaan kala baxnay waxaanan u jeedsanay dacwada iyo samafalka. Nin wadaad ah ayaa yidhi; Waagii ay odhan jireen waan jihaadeynaa sidanoo kale umbay buurso ula dhex socdeen caalamka islaamka, maantana midii umbay la dhex socdaan oo sawiro caruur gaajaysan laga soo buuxiyay.
Marka laga hadlo arimaha dacwada oy sheegteen inay ahayd sababta u weyenee ay u galeen dalka, waxaa aad u fashiliyay banaan-baxayada ka socdaAddis Ababaiyo meela kale oo ka mid ah dalka Itobiya iyo dhaq-dhaqaaqa ay culumada S.Ogadenya kaga hortageen barnaamijka ay wadato Itobiya ee Axbaashta oo qaar badan oo culumada Ogadenya loo xidhay. Hasa ahaatee kooxdii is-dhiibtay ee lahaa dacwada ayaan xoojinaynaa markii la weydiiyay sababta ay uga qayb qaadan waayeen dhaq-dhaqaaqa culumada ay kaga soo horjeedaan faafinta madhabkan shiicada ah ee diin ka baxa ah, waxay ku jawaabeen heshiiska anaga iyo dawladda Itobiya u dhexeeya wuxuu dhigayaa in aanan ka horimaanin waxay dawladda wadato. Waxaa halkaa ku fashilmay sheekasha-doodii beenta ahayd, oo dad yar un ay ogaayeen.
Waxaa cadaatay inay Itobiya la socotay xaaladooda, qaar ka mid ahna ay ku xidhnaanyeen sirdoonkooda sidaan ku hayno cadeymo. Waxaa cadaatay inay ahaayeen dad hadafkooda 1aad uu ahaa dhuuni, oo haddii loo ogolaado meel ay mashaariic ka furtaan diyaar u ah inay wax walba laabaan, Itobiyana u shaqaynayaan.
Arimaha kalee loo adeegsanayo waxaa ka mid ah inay dadka ka niyad jabiyaan halganka, taasoo ka soo horjeeda mabaadiida islaamka ay sheeganayaan inay culumo u yihiin.
Waxaa hubaal ah qaar badan oo ku naaxay arimahaa inay ka shalaytoon doonaan aduun iyo aakhiraba hadaanay ka waantoobin kana tawbad keenin.
ONA.
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12440
















Waa wax soo jireen ah in wadaad isku sheegu baadhan jiray kolba qofkii wax haysta,maanta weel wayn bay qaateen si ay cadow iyo saaxiiba u baadhaan! Waxaanse la yaabanahay waxa ay ugu gabanayaan diinta.Miyaanay ka baqayn ALLAHII abuurtay?