Gumeystaha oo kuso Hungoobay Baryotanki Jaamacada The U of S.
Banaanbax xoogbadan oo kadhacay Jaamacada Saskatchewan ee U of S University oo kutaala wadanka Canada ayaa ku aadana cabasho laga qabo jaamacada oo soo dhaweysay wafti kasocda Wadanka Ethiopia oo uu hoggaaminayo Shigute oo ah Wasiir kamid ah Taliska kaligi taliye Zenawi. Shigute waxa uu kasoo jeeda Qowmiyada Gambela.
Shigute ayaa masuul ka ahaa xasuuqyo isdaba joog ah oo ka dhacay dhulkaas Gambela. Waxa uu eegana dilaal ka yahay dhulka Gambella ee laga gaday shirkadaha qodotada ah si ay dhul beereed uga sameystaan dhulka Gambella gabi ahaantiisba.
Hadaba Jaamacada ninka u qaabilsan xidhiidhka Caalamiga ah oo lagu magacaabo Tom Wishart, (the U of S special adviser on international initiatives) ayaa sheegay inaysan ka warqabin eedeymaha iyo danbiyada uu galay Shigute sidaas awgeedna ay ka xunyihiin inay martigaliyaan shigute. Waxa aan hadda ku howlanahay in aan baadhitaano ku sameyno danbiyada lagu eedeyay Shigute iyo waftiga lasocda.
30 haayadood oo ah kuwa xuquuqul insaanka ayaa eedeymahan usoo jeediyay waftiga kasocda gumeystaha Ethiopia. Waxayna jaamacada ku canbaareyeen inay ceeb u soo jiiteen dalka Canada.
Jaamaca U of S ayaa ah jaamacad takhasusu dheer u leh cilmi baadhista beeraha. Waxa ayna daraasado kasameysaa ama ku howlantahay dhulka Afrika ee hodanka ah balse dadkiisu gaajada u dhintaan daraasado la xidhiidha. Waxa ayna wadanka Ethiopia muddo dheer ay ka caawin jirtay jaamacadaha iyo waxbarashada la xidhiidha waxsoosaarka dalaga iyo beeraha. Shirkan ay ku casuuntay Wasiirada Ethiopia ayaa ah mid ku khaas ahaa Jaamacada Alamayo Universsity ee ku taala Harar.
Balse Gumeysiga Ethiopia ayaa ku qadhaabta Jaamacadaha iyo waxbarashada Ethiopia isaga oo caalamka u sheega in dhaqaale iyo taakuleyn laga siiyo. Islamarkaasna u adeegsada Siyaasad. Caadi ahaan shirkan waxa uu ahaa in lagu casuumo Professarada Jaamacada Alamayo balse waxa ay Gumeystuhu door bideen inay geytsaan shirkaas cilmi baadhista ah Wasiiro iyo wafti heer sare ah oo kasocda Wadanka Ethiopia. Si ay dhaqaale iyo misaaniyad maaliyadeed oo xoog badan ay uga soo baryaan Jaamacada U of S. Jamacadan oo dhaqaale badan ku bixisa arrimaha la xidhiidha waxbarashada dhinaca Beeraha khaasatan Africa.
Warbaahinta Wadanka Canada iyo Haayadaha Xuquuql insaanka ayaa jaamacada ku dhaliilaya inay qariyeen Waftigan markii ay soo galeen wadanka Canada. Iyaga oo cabsi ka qaba dadka gadooday ee raba inay dhagta soo jiidaan Danbiilaha weyn ee Shigute.
Dadkii mudaharadayay ayaa sheegay inaysan arkin shigute balse ay shaqo adag ka qaban doonan. Shigute waa duqa ka taliya Gobolka gambela waxa uuna yahay wasiir heer fadaraal ah. Danbiyada uu ka geystay dhulkaas ayaa ah danbiyo ka waaweyn kan uu geystay Danbiile Cabdi UBO.
kiiska Shigute iyo Waftiga Ethiopia kasocda ayaa Jaamacadu waxay u bandhigtay wasaarada Arrimaha dibada ee wadanka Canada. Waxayna Wasaarada Arrimaha Dibada Canada sheegtay inay ku howlantahay baadhitaano balse maysan si toos ah ula hadlin warbaahinta. Waxaana suurto gal ah in talaabo laga qaado Waftigan oo noqon karta in makamad gaadho ama laga masaafuriyo wadanka Canada.
Warbixintan iyo Filim laxidhiidha halkan hoose Guji
<<<Filim iyo Warbixinti-Source>>>
ONA
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12458














