Ogaden News Agency (ONA)

Warbixinta dagaaladii ugu dambeeyey iyo khsaaraha cadawga oo sii kordhaya

Wararkii ugu dambeeyay ee nagasoo gaadhaya Xarunta dhexe ee JWXO ayaa waxay sheegayaan in cadawga lagu naafeeyay dagaaladii ugu dambeeyay ee lagu qaaday. Dagaaladaas ayaa waxay isugu jireen hawgalo mir ah, qaar dhabagal ah iyo weeraro fool-ka-fool ahaa waxayna u kala dhaceen sidatan;

-         11 06 2012 ciidamo sigaara ah u tababaran oo katirsan CWXO ayaa waxay weerar mir ah ku fuliyeen xerada ciidamada gumaysiga ee loo yaqaan Buundada oo ku taala magaalada Qabridahare halkaas oo lasheegay in ay kulan balaadhan ku lahaayeen saraakiil iyo askar farabadan oo ah kuwa gumaysiga. Waxaana weerarkaas mirta ah ee sidii loo qorsheeyey u fulay lagu gaadhsiiyey ciidamada gumaysiga khasaare balaadhan.

-         10/06/2012 Xoday-caato oo ku taala duleedka magaalada Qabridahar oo ah xarunta gobolka Qoraxay ayaa dagaal halkaasi ku dhexmaray CWXO iyo askarta daalan ee gumaysiga Ethiopia waxaa lagaga dilay gumaysiga 2 askari waxaana lagaga dhaawacay qaar kale

-         09/06/2012 Dig oo Awaare katirsan dagaal deegaankaasi ka dhacay ayaa waxaa askarta moolaarka jabsan ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 3 askart halka dhaawucuna uu gaadhayo 4 kale.

-         10/06/2012 Weerar lagu qaaday ciidamada Gumaysiga oo ku sugnaa deegaanka Dhiita oo Dig u dhaw kana tirsan Dagmada Awaare ayaa khasaare lagu gaadhsiiyay cadawga aan laga hayn faahfaahin dhanaystiran.

-         01/06/2012 Dagaal ka dhacay deegaanka Uubataale oo ka tirsan gobolka Wardheer ayaa waxaa Askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 2 Askari halka lagaga dhaawacay 3 kale.

-         02/06/2012 kamiin si qorshaysan loogu dhigay Gaadiid gumaysigu lahaa oo marayey deegaanka Dhurwaayaale oo katirsan Dagmada Wardheer ayaa waxaa kalkaa lagaga dilay ciidamada gumaysiga 10 Askari, waxaana lagaga dhaawacay 12 kale.

-         06/06/2012 Weerar mir ah oo lagu qaaday Askarta gumaysiga oo ku sugnayd Deegaanka Qamuuda oo Qabridahar ka tirsan ayaa waxaa halkaas kaga bakhtiday gumaysiga  2 askari 3 kalna waa lagaga dhaawacay.

-         12/06/2012 Dhiita oo u dhow Dig kana tirsan Dagmada Awaare dagaal halkaasi ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 1 dhaawacuna waa 2 askari.

 

ONA.

 

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12482

Posted by on Jun 14 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 8,843
  • Last 7 days: 61,771
  • Last 30 days: 248,633
  • Online now: 17
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com