Ogaden News Agency (ONA)

Xerada Qaxotiga ee Ifo oo Qarax ka dhacay Gudomiyaha Xerada qaxotiga oo dhawac so gadhay.

Xerada qaxootiga ee IFO waxaa maalinimadi Jimcaha waqtiyadii Salaada Jimcaha ka dhacay qarax xoog badan oo lala eegtay baabuur yar oo kuwa raaxada ah,baabuurka waxaa saaraa haweenaydii iska lahayd iyo sadex nin oo kale oo midi yahay darawalkii gaadhiga.
Xerada Ifo waxay kamid tahay xeryaha Qaxootiga Ee Kenya halkaas oo ay ku noolyihiin qaxooti kasoo qaxay Dhulka Somalida Ogadeniya iyo Jamuhuriyadi Somaliya. Hadaba waayadan danbe ayaa waxa soo gaadhayay dadka ku nool xeryaha Qaxotiga dhibaatoyin isugu jira dil iyo qaraxyo taas oo keentay in dad badan wax ku yeeloobaan dhibatoyinkan xeryaha qaxootiga ee magan galyada loo joogay.
Qaraxaas oo xoog badnaa ayaa waxaa cardaadiqaha noqday baabuurkii halka ay dhaawacyo culus soo gaadheen dhamaan afartii qof ee saarayd oo midi ahayd haweenaydii baabuurka iska lahayd.
Abel Mbilinyi,  oo ah Maamule ku xigeenka u qaabilsanaha UNHCR (UN High Commission for Refugees) wadankan Kenya ayaa sheegay in haweenayda gaadhiga iska leh lala beegsaday qaraxan. Illaa hada cid qiratay inay qaraxan ka danbeyso ma jirto. Waxaana Polisku caddeyeen dhaawaca soo gaadhay dadkan rayidka ah ee gaadhiga saarna.
Isniino oo ahayd haweenayda baabuurka iska leh ayaa ahayd  gudoomiyaha xerada qaxootiga ee IFO waxaana soo gaadhay dhaawac,miinada babauurka la kacday.
Afarta qof ee dhaawacantay ayaa magacyadooda naloogu kala sheegay :
1-Isniino  -Gudoomiyaha xerada qaxootiga ee IFO
2-Cabdirashiid
3-Saxardiid
4- Iyo darawalkii oo aanaan magaciisa helin
Dhaawacyada afartaa qof oo markii hore loo malaynayay inay sahlan yihiin lana geeyey isbitaalka guud ee IFO aya amarkii dambe galabnimadii maanta diyaarad lagaga qaaday xerada loona dhaadhiciyey magaalada Garissa si loola tacaalo dhaawacooda waxaana la filayaa in hadii uu dhawacoodu sii cuslaado loosoo gudbin doono magaalada Nairobi.
Ma aha markii ugu horeysay ee xeradan iyo kuwa kale ee ku yaala degmada Dhadhaab ay ka dhacaan qaraxyo khasaare nafeed iyo maalba gaysta balse kii maanta wuxuu ahaa mid aad u xoog badan oo lala eegtay dadkaas rayidka ah halka kuwii hore la bartilmaameedsan jiray ciidamada iyo xeryaha Kenya.
Xeryaha qaxootiga ee Kenya ayaa hadda ka hor somalida Ogadeniya ee xeryahaas ku nool soo gaadheen dhibaatoyin uu kamid yahay dil.
F Maxamed – ONA/IFO

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12504

Posted by on Jun 15 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 11,200
  • Last 7 days: 57,992
  • Last 30 days: 246,063
  • Online now: 26
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com