Ogaden News Agency (ONA)

China oo Ethiopia Gacan ka siisay Cunaqabataynta Internetka

Wadanka China iyo Gumeysiga Ethiopia ayaa waxa ay wada qabsadeen kulan (workshop). Kulankaas oo Chiniisku ay siinayaan Taliska Ethiopia xirfado iyo technologiyad sidii ay cunaqabatayn u saari lahaayeen isticmaalka internetka. Kaas oo u sahlaya Ethiopia sidii ay ula socan lahaayeen dadka Ethiopia websiteyada ay galaan iyaga oo markaas kusoo rogaya khadka  Internetka cunaqabatayn qaarna fasaxaya qaarkalena hor istaagaya.

Qoraalkan Hoose ka aqriso Sheeko la xidhiidha  Arrimahan:

Waxaana chineseku ay bareen ama siiyeen tegnalojiyadii ay ku hor istaagi lahaayen Internetka wadanka Ethioia. Waxaa aqoon loo siiyay sida loo hor istaago isticmaalka khadka, xattaa qofkii isku daya innuu isqariyo ee isticmaala khadadka ay kamidka yihiin Tor. Waxaa Gumeysigu uu iskudayay innuu xidho khadka Tor oo ah mid saamaxaya in si qarsoon Internetka aad u isticmaasho.

Kaligi taliye Zenawi oo ka cabsi qaba in dadku isku abaabulaan Internetka waxa uu kusoo rogay sharci cusub oo sheegaya Qofkii isticmaala Telefanada jaban ee Internetka ee VoIP (Voice over Internet Protocol) ee kooxdu hal mar wada gali karto laguna wada sheekaysan karo sida Skype, Google talk. Kuwaas oo adduunka casriga ah uu u saamaxay dadka ku nool Ethiopia in ay si dhib yar kula soo xidhiidhi karaan wadamada kabaxsan Ethiopia coodkodana ay ku gudbisan karaan.

Waxaa la sharciyeeyay qofkii isticmala khadadkaas Internetka ah in 15 Sanno oo xadhiga uu toos u galayo.

Taariikhda Internetka Ethiopia

Wadanka Ethiopia waxaa uu kamid yahay wadamada Afrika ugu horeeyay ee bilaaba isticmaalka Telefonada waxa uuna sanadkii 1889 illaa intii u dhaxaysa 1899 laga horgaliyay isticmaalka Khadka Telegraph-ka inta u dhaxeysa Addis Ababa Iyo Harar. Waxaana Telefanada ay bilaabeen 1890 halkaas oo talyaanigu uu ku cawiyay gumeystihi Abbysinia.

Dadka Ethiopianka oo ah dad badow ah waxa ay aaminsanayeen innuu yahay Teleefanku sheydaan waxayna aad uga cabsan jireen waxa ka dhex hadla iyo qeyladiisaba iyada oo Haile Selassie uu ku cabsi galin jiray dadyowga uu gumeysto ee caga cadda ah.

Mudadaas dheer lagasoo bilaabo illaa hada Waxa Ethiopia ka jira cabsi wali laga qabo isticmaalka Technologiyada waxa Taliska Ethiopia uu handadaas u geysta shacabkaas. Isaga oo ku maamula isticmaalka Khadadka isgaadhsiinta. Gumeysiga Ethiopia ayaa ugu talo galay qadadka isgaadhsiinta mid uu ganacsi iyo dhaqaale kasameysto kaliya sidoo kale innuu u isticmaalo adeegsiga basaasnimada si uu u oggaado dadka Reer Ethiopia waxa ay ku hadh galaan kuna seexdaan.

Telefanada Ethiopia ayaa ahaa kuwo si toos ah ugu xidhan Telecommunicationka Ethiopia. Waxaana kaliya oo Ethiopia siiya adeega isgaadhsiinta shirkada Ethiopian Telecomunication oo ah Shirkad ay leedahay Dowladu. Shirkadu waxa ay muddo dheer laheyd dhaqan ah inay dhageysato telefan kasta oo guri kasta oo Ethiopia ku yaala. Shaqalaha ugu badan ee Shirkada isgaadhsiintu waxayba shaqadoodu tahay dhageysiga iyo basaasnimada dadka isticmalaya adeegsiga isgaadhsiinta.

Waxaana aad ugu badnaan jirtay Ethiopia qof lasoo xidho oo loo xidhay in Telefanka laga dhageystay. Sidaas awgeed shacabka Ethiopia waxay dhaqan u leeyihiin inay aad uga cabsadaan isticmaalka Adeegsiga Telefanada. Oo markaad la hadasho lagu sheego markiiba waa la ina dhageysanaya ee korka kawad.

Isticmaalka Internetka

Waxaa hadaba Ethiopia soo gaadhay isticmaalka Internetka oo si tartiib tartiib ah ay dadku u baranayeen.  15 sanno ka hor lamaba aqoon Ethiopia dhexdeeda adeegsiga Internetka waxaana aqoon u lahaa kaliya dad aad u tiro yar, maadama Computarada isticmaalkoodu xataa yara. Waxa Internetka laha dad toro yar. 80, million ee Ethiopia ku nool waxaa isticmaali jiray khadka internetka sanadkii 2005 tusaale ahaan in kayar 160,000 Itobiyaan ah. taas oo noqoneysa in kayar 0.01%.

Hadaba waqtigan 2012 waxaa wali awood u leh isticmaalka Internetka Khadka Ethiopia dad aad u tiro yar oo ku nool magaaloyinka waaweyn sida Addis Ababa, Dire Dawa iyo meelo kamid ah caasimadaha Kililada.  Waxaana dadku intooda badan ay ka isticmaali jireen intaysan helin khadadka guryaha loo soo galinayo iyo Telefanada mobilada ah oo hadda magaloyinkaas laga wada isticmaalo. Waxa dadku ay ka gali jireen Internet Cafe’s.

Internet Cafe’s

Taliska TPLF waxa uu kusoo rogay in qof kasta oo gada internetka oo tukaan u furta inuu isasoo xaadiriyo. oo uu iska soo qoro qabalega xaafadiisa. Waxa intaas kadib qabaleegu uu siinaya ninka iska leh cooshadan iibinaysa internetka warqado (Forms). Waxaana warqadahaas lagu qoraya qofkasta oo cooshadaas internet cafega ah isticmalaya magaciisa iyo telefankiisa iyo numberka computarka uu isticmalayo. Waxaa habeenki u imanaya cooshada ineternet cafega Police kasocda Qabaleega kuwaas oo warqadihii qaadanaya.

Warqadahaas waxaa loo gudbinaya Wasaarada Telecommunicationka ee Ethiopia oo halkaas baadhitanadii ay wadeen haddii loo arko in cooshadaas laga furtay websideyada ay kamidka yihiin www.ogaden.com iyo waxii lamidka aha sida ONA iyo kuwa mucaaradka Axmaarada dabagal lagu sameyn doono. iyada oo waqtigii uu qofku isticmalay iyo magacisiba lahayo waxaa dhib yar in si dhib yar loo soo helo qofki adeegsaday ee war la’aantu heysay maadama magaciisi telefankiisi iyo matawaqahiisiba la hayo.. laguna eedeyo inuu isticmalay websideyada mucaaradka Ethiopia iyo xornimo doonka Ogadeniya.

Shaqadan ayaa ah mid aad u dhib badan taliska Ethiopiana waxaa kaga baxay lacag aad u badan, waxaa kale oo Ethiopia kusoo fatahay adeegsiga telefanada casriga ah iyo dadkii oo guryahooda awood ugu helay inay geystaan khadkii Internetka. Waxaa kale oo Itoobiya caqabad weyn ku noqotay inay raad raac ku sameyn kari waayeen dadku waxa ay isticmalaan, Iyaga oo dadku qofkastaba uu soo gashaday khadka Tor oo ah Internet Explorer aad gali kartid kadibna meelkasta oo aad furato haduu noqdo Ogaden Online iyo hadduu noqdo kuwa mucaaradka Ethiopia aan lagu oggaan karin.

Sidaas awgeed Ethiopia  waxay kaalmo ka dalbatay Wadanka China. oo isna dhibaatadan oo kale heysato loogana yaqaano caalamka Cadowga Internetka. China waxay aad ugu sareysa basaasnimada Internetka. Waxaaba soo baxay dhowaan in xittaa qofkasta oo taga wadanka China la basaasi karo iyada oo la isticmalayo telefankiisa iyo E-mailadisa haduu ku dhex isticmalo wadanka China.

China waa wadan aad u weyn waxaana ku nool dad kabadan 1 billion iyo  347 million oo dad ah. Waxayna ku guuleysteen in dadkooda ay cunaqabateyn ka saaran isticmaalka Internetka walow ay yihiin dadka China dad aad u xadaarad sareeya oo aqoon heersare leh. Dhinaca kale Ethiopia waa dhul weyn waxaana ku nool 80 million oo dad ah kaliya waana wadanka labaad ee ugu tiro badan Afrika. Gumeystaha Ethiopia waxa uu raba marka innuu kasoo xado fikrada wadankaas China. Dadka Ethiopia ee isticmala Internetka waa dad tiro yar sidoo kale dadka Ree Ethiopia dad xadaarad sareeya maahan oo waa dad faqiir ah aqoona aan laheyn, dhaqaalena aan heysan. Sidaas awgeed waxa suurto gal ay isbideen inay noqon karto in la hor istaagi karo isticmaalka Technologiyada.

Gumeysiga Ethiopia ma uu xidhi karo isgaadhsiinta waayo lacag badan ayuu ka hellaa. Waxaana ku xidhan jiritaankiisa. Sidoo kale ma uu rabo dadkiisu inay awood u yeeshaan ay indhahooda iyo dhagahooda ku furaan. Haddii isticmaalka technologiyada uu noqdo mid xor ah waxa imanaysa in Ethiopia aysan qof kale dib u gumeysan karin.

Sidaas awgeed waxaa xal ay u arkeen in isticmaalka Technologiyada ay Taliska TPLF dadka u yeedhiso qof kastaba waxa loo ogolyahay iyo waxa aan loo ogoleyn. Qofkii ka horyimadana si sharci ah loo xidho ama loo dillo.

Balse horumarka caalamka xawliga ku socda, Waxa uu kenaya in xal loo helo. Hada shirkada TOR oo ah shirkad adeegsiga EThiopia laga xidhay ayaa durbaba keentay xal kale oo dadka Ree Ethiopia ay kaga guuleysan karaan taliska Ethiopia.

Caalamka ayaa arrintan aad ula yaaban In Ethiopia sheegato inay horumar raadinayso oo Biyo xidheeno ay sameysaneyso caalamkana ay u sheegtay in dhaqalaha wadankaas si saa id ah kor ugu siisocdo. Bal hadana ay dadkii ka cunaqabateysay saxaafada iyo waliba isgaadhsiintii heer shaqsi aheyd sida telefanada iyo isticmalka internetka.

Ethiopia hada waxay ku jirtaa wadanka ugu horeeya Afrika ee suxufiyiinta ugu tiro badan ku xidhan yihiin, waxaana kamid ah suxufiyiintii Wadanak Sweden oo illaa hada xabsiga ku jira.

ONA

 

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12523

Posted by on Jun 16 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 7,519
  • Last 7 days: 55,232
  • Last 30 days: 243,591
  • Online now: 28
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com