May 18, 2011 Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Qorahay ayaa sheegaya dagaal ka dhacay Tuulada Laasoole oo Shilaabo 11 KM u jirta, dagaalkaas oo sida la sheegaya dhex maray cutub ka mid ah Ciiddanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo ciidanka gumaysiga Itoobiya ayaa sida ay ilo xog ogaal ahi ku waramayaan waxaa cadowga lagaga dilay 11 Askari tiro kalena waa laga dhaawacay khasaare kalena waa loo gaystaya.

Sida ay wararku sheegayaan dagaalkani wuxuu dhacay 16/05/11 waxayna ilaha aanu warkan ka helayi xaqiijianyaan ciidanka Tigreega oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah kuwa dhidid dhawrka u ah ee Hawaarinta loo yaqano in ay Shilaabo ka baxeen isla markaasna waxaa helay CWXO oo deegaankaas ku sugnaa kana war helay in ay ciidamo ku soo bexeen waxayna birta ka asleen humbanidii uu Tigreegu hogaaminaya oo cashir lama ilaawaan ah ay u dhigeen.

Isku soo wada duuboo dagaalada Ogaadeenya ka socda oo u dhexeeya gumaysiga damaca waalan ee Absiiniya & shacabka gobanimo doonka ah ee Soomaalidda Ogaadeenya oo ay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) hormuud u tahay ayaa marba marka ka dambaysa sii karaar qaadanaya waxaana si geesinimo & adkaysi ah gumaysiga u quusiyay shacabka ma daalaha & keeno diidka ah oo aan maranba ogolaanin in heeryada & cabudhinta lagu nugleeyo lana han jabiyo sidoo kale CWXO ayaa maxaysatada Tigreega in ay Ciidda Ogaadeenya nabad ku seexdaan uga dhaar maray, xidido fog ayaa loo aasay halganka Ogaadeenya ka socda oo ah kii ugu taariikhda dheeraa caalamka isla markaasna aan wadiiqihiisa karna ka leexanin waana guul shacabka Soomalidda Ogaadeenya ay ku faanayaan oo aan Allah mooyee cid kale laga heli karin gobanimadiina way soo dhawdahay Insha Allah.

Qorahay Online

 
 

1 Comment

  1. Waan guul aan marnaba la soo koobi karin guulaysta geesiyada jwxo

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay