OYSU-IFO (Miftaaxul Xorriya) oo shikoodii caadiga ah qabsaday
Ururka OYSU faraciisa xerada qaxootiga ee IFO oo lagu magac-aabo (Miftaaxul Xorriya) ayaa shir ku yeeshay xeradaasi khamiistii lasoo dhaafay shirkaas oo ahaa midkii caadiga ahaa ee xubnaha ururku iskugu imaan jireen ayaa lagaga hadlay kaalinta ay dhalintu ku leedahay halganka loogu jiro xoraynta Ogadenya iyo sida dhlinyarada soo kacaysa loogu wacyi galin lahaa loona bari lahaa taariikhda soo jireenka ah ee halgamadii kala duwanaa ee Ogadenya.
Qodobadii shirka lagu gorfeeyey ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa waxtarka dhalinta iyo isku xidhka bulshada kasoo jeeda Ogadenya ee qaxootiga ku ah xeryahaas kana soo cararay cadaadiska iyo xasuuqa ay xukuumada gumaysigu ku hayso shacabka Ogadenya.
Gabagabadii shirka ayay dhalintu iskugu baaqday in loo diyaar garoobo sanadguurada ururka OYSU wuxuuna shirku kusoo dhamaaday guul iyo farxad.
Farxaan Maxamed/ONA-IFFO
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12540















war magacu fiicanaa! waa magacii ugu fiicnaa een baryahan arko. illaah muftaaxii xoriyada ogadeniya ha idinka dhigo.