Dagaalada ka qarxay gobolka Shiniile waa qayb ka mid ah khiyaanada Gumaysiga
Ma’aha arin ka qarsoon qofkii caqli leh khiyaanada Wayaanaha uu kula dhex jiro shucuubta uu gumaysto, gaara ahaan qawmiyadaha Kooshetika (Cushitic) ee ka kooban Somalida, Oromada iyo Cafarta. Saddexdan qawmiyadood oo wadaaga jinsiga ka sokow diinta Islaamka, ayay ku dadaalaan xukuumadaha Itobiya ka taliya in aanay aragti midaysan ka yeelanin gumaysiga ay ku soo jireen laga soo bilaabo bilowgii qarnigii 2aad. Qorshaha ay adeegsanayeen ilaa waagaana wuxuu ahaa in laga dhex abuuro dagaalo loogu magac bixinayo dhul la’isku haysto oo laga abuurayo xuduudaha ay wadaagaan. Waxayna inta badan Itobiya hubaynaysay daraf iyadoo waliba aan cadaalad ku dhaqmin oo u xaglisa daraf haddii ay timaado inay u kala xukunto, si mushkiladaa u sii jirto.
Dagaalo ayaa inta badan ka qarxa shucuubta wadadagga xadka u dhexeeya Somalida iyo Oromada iyadoo si badheedha ah ay xukuumadda TPLF ula safato marwalba maleesiyada Oromada ee OPDO kuwaasoo ku jira taxaalufka EPRDF ee magac ahaanta uga taliya Itobiya. Waxaa jira deegaano dhowr ah oo Oromada ay dadaal ugu jiraan inay xoog kaga qaataan shacabka Somaliyeed ee dagan iyagoo adeegsanaya taxaalufkaa aan soo tilmaanay.
Maqaal aad u qotadheer oo Dr. Faysal A. Rooble uu ku qoray shabakadda Wardheer News uu kaga warbixinayo dhul boobka ay xulufada OPDO-TPLF ku hayaan shacabka Somaaliyeed ayuu ku sheegay in; Hadii loo xukumo si aan cadaalad ahayn sidii horey u dhacday ay wax u dhimi doonto nolosha dadbadan oo ku nool gobolada Liibaan, Afdheer, Fiiq, Shiniile, Babili iyo Jigjiga.
Wuxuu inta raaciyay in; Xisbiga ka taliya gobolka Oromada ee OPDO oo ka mid ah xisbiga xukuma Itobiya ee EPRDF, isla markaana xulufa hoose la leh TPLF ay Somalida awoodi karin inay iska celiyaan dhulbalaadhsiga ay ku hayaan degmooyinka xadka ah ee Somalidu ay dagaan .. Maqaalka Dr. Faysal A. Rooble;
Waxaa jira dagaalo ka socday maalmihii la soo dhaafay gobolka Shiniile oo u dhexeeyay qawmiyada Cafarta oo ku magacaaban Kililka 4aad iyo Somalida gobolkaa dagan. Dagaalkaa oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba gaystay ayay Somalida daggan gobolka Shiniile ku tilmaameen inay tahay qorshe uu gumaysiga Itobiya ka dambeeyo oo waliba loo adeegsaday maleesiyada loo yaqaano liyu-booliska Cafarta iyo ciidmada Itobiya oo wada socda.
Shabakadda Dirdawa News oo wax ka qortay arimahaa ayaa ku eedeysay inay dawladda Itobiya soo maleegtay shirqoolkan lagu laayay dadka shacabka ah ee Somlaaiyeed. Waxay shabakadda si toos ah dusha uga saartay arintaa inuu ka dambeeyo Dr. Shefarawa. Shabakadda ayaa u qortay sidan;
- Dawladda federaalka ee uu horkacayo wasiirka arrimaha federaalka Dr. Shifaraw ayaa tan iyo waagii la magacaabay ku jira dagaal xooggan oo ka dhan ah soomaalida.
Xukuumadda gumaysiga Itobiya waxay gashay marxaladihii ugu dambeysay, waxaana ka muuqata astaamihii lagu yaqiinay xukuumad sii dhacaysa. Waxaa looga baahan yahay shucuubta Gumaysiga Itobiya ku hoos jirta, gaar ahaan jinsiga Cushitic ee wadaaga diinta Islaamka inay u midoobaan xoriyadda dalalkooda oy ka waantoobaan in loo adeegsado dhibaataynta walaalahooda dariska ah.
Waxaa ku cad qayba ka mid ah baaqa ay soo saareen odayaasha Somaliyeed ee Shiniile qodobo muhiim ah oo keeni kara wada-noolaasho iyo nabad dhexmarta labada shacab ee dariska ah, qodobadaa oo u qoran sidan;
- Waxaan baaq u direyna oo kuna dalbeynaa laga bilaabo warqadan inay joojiyaan dagaalka sokeeyey u dhaxeeya beesha Ciisey ee rayidka ah iyo kilalka Cafarta ee walaal ah.
- Waxaan soo dhaweyneyna wax kasta oo keeni kara wada hadal iyo horow socod dhaxal gal ah iyo wax wada qabsiga dabiiciga.
- Waxa kalay oon dalbeenaa oo aad xoojineynaa in lahelo si deg-deg ah wada hadal waarta ah.
- Waxaan rajeeneyna in lagu soo dabaalo dhinaca labada beelood nabad qoto dheer iyo wada noolaasho.
Ugu dambayntii, shacabka Somalida Ogadenya wuxuu ugu baaqayaa shucuubta gumaysiga Itobiya ku jira ee Somalida, Oromada iyo Cafarta inay ka xoroobaan duliga ay ku noolyihiin oy u midoobaan halgan hubaysan oo sharaftooda iyo xoriyadooda u soo celiya. Wuxuu gaar ahaan ugu baaqayaa umadda Somaliyeed ee gumaysisiga ku hoos nool inay ka koraan liidanaanta oy fahmaan inaan gunnimada laga bixi karin waxaan ka ahayn halgan hubaysan. Qofkii horey u aaminsanaa gobanimadoonka Somalida Ogadenya (Somaligalbeed), taxanihii taariikhda umadda Somaliyeed ey ku doonayso aaya-ka-tashigooda halkii ayuu ka socdaa.
ONA.
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12578















