Sida uu kusoo waramayo wariya wakaalada ONA ee  wadanka Ogadeenya gaar ahaan xarunta dhexe ciidanka jabhada wadaniga xoraynta ogadeenya(JWXO) ayaa dagaalo isugu jira weeraro foolka fool ah iyo kamiino ku qaaday saldhigyo ciidanka gumaysigu ku leeyahiin. Ciidanka gumaysatada itoobiya ayaa dagaaladaas loogu gaystay khaseere isugu jira dhimasho iyo burbur gaadiid.
Waxayna u kala dhaceen

Waxayna u kala dhaceen sidan

15/06/ 2012 laba weerar oo  mir ah oo lagu qaaday fadhiimso ay ciidanka gumaysigu ku lahaayeen deegaanada Gabagabo iyo Sagag ayaa waxaa ciidanka daalan ee gumasyiga lagaga dilay 6 askari.

11/ 06/ 2012 Laba koor gudubka oo fiiq udhow kamiin si qorshaysan loogu dhigay gaadiid gumaysi oo marayey deegaankaa ayaa waxaa halkaasi lagaga guabay 2 baabuur oo kuwa milatariga ah waxaana  basbeelay gaadiidkii iyo ciidankii gumaysiga ee saarnaa.

 08/06/2012 Duud-dhoore oo dhanaan udhow  fal gaadmo ah oo laga fuliyey  waxaa askarta daalan ee gumaysatada itoobiya lagaga dilay hal askari halka mid kalana laga dhaawacay.

 04/06/ 2012 Weerar gaadmo ah oo ka dhacay Cumar-cadaan oo Garasle u dhow ayaa ciidanka gumaysiga halkaa lagaga dilay hal askari halka dhaawacuna uu yahay saddex kale.

Waxaa kale oo iyaguna jira weeraro mir ah oo lagu kala qaaday saldhigyo  gumaysigu ku lahaa deegaanada kala ah Gaalo-tuban oo Xamaro udhow iyo Ceel-wayne ku waasi oo khasaare lagu gaadhsiiyay cadowga.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay