Sidaan  horay  u soo tabinay waxaa  kormeer shaqo wadanka Koonfur Africa  ku marayey wafti sare oo ka socda Jaliyada Ogadeenya ee koonfur africa (JOKA) iyo kaadirka faraca gobolkaGauteng. Wufuudan ayaa shirar gooni gooni ah kula yeeshay magaalada Rustenburg oo150 kmu jirta magaladaJohannesburgiyoPretoria.

Hadaba shir aan loo kala hadhin oo ahaa shir ay dadaweyne ayey waftidu ku qabatay magalada  Rustenburg 17\ 06\2012 oy ka soo qaybgaleen Somali weynta ku dhaqan gobalkaNorth westmagaalada Rustenburg. Waxaa shirka isugu yimid boqolaal Somali ah oo soo buux dhaafiyey hoolkii uu shirku ka socday.

Shirka ayaa wuxuu ku bilowday si habsami leh, iyadoo uu shir-gudoominayey halgame Axmed naasir C\laahi gaashaanle. Waxaa wacdi diini ah ka soo jeedieyy hogaanka arimaha diinta iyo dacwada ee faraca Gauteng sheekh Cali Cabdi Ibraahim.  Waxaa kaloo isagna hadal qiimi leh kasoo jeediyey shirka gudoomiyaha Jaaliyada Somaliyeed ee Rustenburg Sheekh Cabdi raxmaan sheekh Cumar ukun.

Waxaa shirka war bixin dheer ka soo jeediyey hogaanka arimaha  bulshada ee jaaliyada Somalida Ogadeenia ee JOKA. Halgame Cade Axmed Sulub isagoo  ka warbixiyey waxa  qabadka  jaaliyada  ee  wadankan Koonfur Afrika iyo  kaalinta  ay  ka qaadatay arimaha  bulshada ee Soomalida ku nool wadankan.

Waxaa asna taariikhda Ogadenia oo kooban kasoo jeediyey halgame Axmed Daahir Haaruun. 

Shirkaas waxaa ka hadlay odayaasha magaalada  Rustenburg sida mudane Cali Siciid oo kamid ah  odayasha  oogu  firfircoon, wuxuuna ka sheegay madasha shirka in Soomali lawada haysto maanta oo waxan ay maamul gobaleed yadu samayn hayaan aan cuqdad la’isugu qaadin sababtoo ah buu yidhi, waa kuwo u shaqeeya cadawga umadda Somaliyeed. 

Waxaa isna kahadlay sheekh Cabdi nuur oo kamid ah golaha gudiga dacwada Rustenburg. Wuxuu sh. Cabdinuur sheegay in cadawga kali ah ee Soomali ay leedahay uu yahay Itoobiya, Somaliyana ayna dagaynin ilaa qadiyada Ogadenya xal waara loo helo.

Waxaa sidoo kale ka hadlay gudoomiye ku-xigeenka jaaliyada Soomaliyeed mudane C\rashiid  oo sheegay in umada Soomalida Ogadenia ay midoobaan say xoriyadooda u gaadhaan. Waxaa kaloo ka hadlay Jaamc Roore oo sheegay in cadawga Somaliyeed ay Itoobiya tahay. Waxaa kaloo isna ka hadlay Haashim nuur oo ah arday Somaliyeed oo wax ka barta jaamacada  UNISA  oo sheegay in qabyaalada la iska dhaafo. Haashim ayaa hadal aad u qiiro  badan  ka  jeediyey  goobta isagoo yidhi; “Umadda  Ogadeniya waxay idin leeyahiin Somaliyeey  waxaan  idinka  haynaa  cadaw -giiniiyee nagu tageera hana noo mijin  qabanina.” Waxaa kaloo goobta  asagan  ka  hadalay halgame Axmed Cabdi Xaashi oo  tibaaxay siyaasada arimaha dibada  iyo  sida ay  ugu  fashilatay Itoobiya.

Shirka oo biloowday 6.30 salada  maqribnimo  kadib  ayaaa soo  gabab  gaboobay 10kii fiidnimo waxaana la  isla  garatay in  la  xoojiyo  halganka  xaqa  ah ee shacabka S.Ogadenya.

OMAR JIGJIGA /ONA-  SA

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay