Haayada Xuquuqul Insaanka Human Rights Watch (HRW) ayaa soo saartay maanta Eedeymo cusub oo ay korka kasaartay taliska Kaligii taliye Zenawi iyo  Dowladisa Ethiopia uguna baaqday Caalamka in laga hortago qowmiyadaha ay Ethiopia tirtirayso iyaga oo baro kicinaya nidaamki noloshoodana dabar goynaya.

Waxayna maanta soo saartay report- ay kaga xog waramayso buug ka kooban 85 bogg oo looga hadlayo dhibaatada qowmiyadaha ay kamidka yihiin 8 qowmiyadood oo ay kamid yihiin Qowmiyada Mursi, Hamer, Bodi, Suri, Karo, iyo Nyangantom oo ah dhamaantood qowmiyado noloshoodu ku xidhantahay nidaamka Ree guuraga ah iyo midka qodotada ah isugu jira. Qowmiyadahan ayaa ku nool dhamaantood Daafaha Wabiga Omo qeybtisa hoose ( Lower Omo areas).

Haayada Xuquuql Insaanka Human Rights Watch waxay buugan kaga xog warameysa qaab nololeedka qowmiyadahan oo ah qowmiyado Heer Caalami la aqoonsanyahay. Waxaana dhulkaas ay ku noolyihiin qowmiyadahan iyo wabiga Omo loo aqqoonsaday inay kamid noqdaan oo lagu daro haayada  cilmibaadhista Sayniska iyo dhaqamada la ilaaliyo ee (UNESCO) oo ah haayad daryeesha illaalisana hidaha iyo dhaqamada qowmiyadaha adduunka si aysan loo dabar goynin una dhimanin dhaqamadaas. Males Zenawi ayaa qowmiyadahan Sanadkii 2010 mar uu tagay dhulkaas ku sheegay dadkaas inay yihiin dad cawaan ah adduunkana looga aqoonsanyahay inay dhulkoodu kamid yahay dhulka ugu dibu dhacsan caalamka marka labarbar dhigo xadaarada maanta lagu jiro. Waxuuna yiri waxa aan xaqiijinaya in muddo yar kadib uu dhulkan noqon doono aduunka meelaha horumarka ugu dag dagsiinyo badan ka hirgalo.

Human Rights Watch waxay warbixinteeda kaga hadashay qowmiyadahaas Zenawi u balan qaaday innuu horumarin doono dhulkooda in dadkaas labaro kiciyay dhulkoodina xoog looga qaatay goobo daabiyado ahna lagu xeyndaabay. Waxaa laga gooyay beerihii, waxaa laga laayay lo’doodi iyo xoolihii noola ay lahaayeen sidoo kale waxaa laga raray dhulkii ay abid soo daganayeen ee awoowyadoood ka dhaxleen iyaga oo laga raray wabiga iyo daafihiisi.

Waxa hadaba ay soo saartay HRW caddeymo cusub oo caalamku ka war heyn oo ay ku sheegeen dilal, baro kicin, mooro duug, xabsi iyo tacadiyo aan horay dhulkaas looga arag. Sababta ayaa markii hore waxa caalamku u heystay inay tahay in Ethiopia rabto wabigaas in laga sameyo biyo xidheen soo saara awooda korontada. balse Haayadan xuquuqul insaanku waxa ay sheegtay arrimo ka gadisan midaas oo ah. In dhulkaas laga beerayo dhulbeereed Geedka quwaaxa ama aalasonkorka lagu beero.

In dhulkan dadka laga raray laga hirgalinayo dhul beereedyo, islamarkaasna dhul aad u baaxad weyn oo ay ku noolaayeen 200,000 oo qowmiyadahaasi ahi dhulkoodi xoog looga raray.

Warbixintan ayaa wareysiyo ay qaadeen Haayadan Xuquuql Insaanku waxaa ka mid ahaa nin ka tirsan qowmiyadaas oo sheegay.

Maalinkasta waxaa noo yimaada ciidamo saaran gawaadhi kuwaas oo nagu dhaha dhulkiina waxaa laga beeraya geedka Quwaaxa Ama aala Sonkorka. Miyaad taqanaan waxa uu yahay aala sonkor. Markaan dhahno ma garanayno waxay nagu bilaabayaan uleyn iyo budheyn iyaga oo xoog noogu sheegaya waxay rabaan. Dabadeeto waxay dhahayaan barito yaan la idiinku iman dhulkan. hadii kale waan idin leynayna. awal hore waxa noo iman jiray Police wax dhib ah ma jirijirin. Eega lakiin ciidamada waa dad xun way na jidh dileen xoog ayayna dhulka nooga rareen.

Ninkale oo qowmiyadahan ka tirsan ayaa dhahay, goobahan ay nasoo dajiyeen eega xoog ayaan ku joogna, waayo hadda biyo ayaa jira, lakiin marka abaar timaado waxaan ku qasbanahay in aan ku noqono dhulkayagi lanaga soo raray. Qolyahan dhulka sare lanooga keenay haddii ay rabaan hana dillaan, lakiin dhulkayagu waa dhulkayagi awoowyadano aan ka dhaxalnay.

Ninkale ayaa isna waxa uu shegay in ciidamadu ay beerahoodi ka burburiyeen xoogna uga rareen dhulkoodi. Waxaan ciidanka ku nidhi, maxaan cunaynaa markaad beerahayagi naga rarteen eed naga burburiseen baadkii iyo dalagii aan keydsaneyna baa bi’seen. Waxa ay noogu jawaabeen lo’diina suuqa ka gatta. dabadeeto goobaha la idin dajiyo aada.

Anagu markii gaajo timaado waxaan nahay qowmiyad xoolaha dhiiga ka nuugta. Hadii lo’dayada aan iska iibino Gaajo markay timaado maxaan nuugayna oo dhiiga ka jaqayna.

Cadeymahan cusub ee ay soo saartay Haayada Xuquql Insaanka ee isugu jira dadka labaro kiciyay, dilalka, iyo ummadan dhan ee dhaqankoodi la tirtirayo ayaa waxa haayadu ugu baaqday beesha caalamka in laga hortago.

Haayada HRW ayaa hadda ka hor soo saartay cadeymo badan oo ay kaga hadlayso xasuuqa Ogadeniya iyo lacagaha deeqda caalamiga ah ee lasiiyo Dowlada Ethiopia. Waxyana laf fhuun gashay ku nqodeen kaligii taliye Zenawi iyo gumeysiga foosha xun.

Dhulka Ethiopia ayaa waxaa loo qeybiya Highland iyo Law land (dhulka sare ee Ethiopia iyo dhulka hoose ee Ethiopia). sidaad horay warbixinaha Ogadennet idiinku soo gudbisay. Dhulka Ogadeniya waxa uu ka tirsanyahay dhulka Lawland oo ah dhul ay Ethiopia qorsheysatay in dadka dagan xoog lagu isir badalo. dhulka law land-ka ah waxaa dagan dad ree guuraa ah oo xoolo dhaqato ah sida qowmiyadahaas kore waana dhul ku fiican dhul beereedka oo wali lafalanin.

Gumeysiga ayaa raba in dhulkan uu ka gato shirkado islamarkaasna ku beero malaayiin kale oo laga soo raro dhulka sare ee Ethiopia.

Balse dhulka Ogadeniya illaa hadda waa ku guul dareystay in sidii uu rabay uga hirgaliyo qorshihiisa, waxaana hortaagan Ciidamada Qalabka Sida ee ONLF oo naftoodi iyo maalkoodiba u huray in gumeysigu waxa uu rabo hirgalin.

Warbixinta halkan kasii aqri
“What Will Happen if Hunger Comes?”

Abuses against the Indigenous Peoples of Ethiopia’s Lower Omo Valley

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay