Wararka aanu ka helayno Xarutna Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo isbaba joog ah oo lagu qaaday askarta daalan ee gumaysiga Ethiopia, dagaaladaas ayaa waxaa kamid ah weerar saakay aroortii hore lagu qaaday  ciidanka gumaysiga Ethiopia kaasi oo kadhacay agagaarka magaalda Birqod.

Saakay aroortii oy Taariikhdu ahayd 20/06/2012 ayaa waxaa cutub si heer sare ah u tababaran kuna qalabaysan hub casri ah oo katirsan CWXO waxay weerar ku e keeyeen askar gumaysi oo deegaanka Duud-shariif oo Birqod udhow  si qasab ah dad shacab ah isugu soo uruuriyey kuna qasbayey inay dagaan Xero ay halkaasi ka oodeen, waxaana dagaalkaasi lagu gaadhsiiyey askarta gumaysiga khasaare aan dib idiinka soo sheegi doono.

19/06/2012 Deegaanka Dhabiile oo katirsan Magaalda Dhagaxbuur iyo Gujirka oo Xamro u dhawo laba weeraroo gaadmo ah oo lagu qaaday askar gumaysi oo deegaanadaasi ku sugnayd ayaa waxaa lagaga dilay 3 askari halka dhaawacuna uu yaha 3 kale.

13/06/2012 Deegaanka dhuwaale oo Xamro u dhaw ayaa waxaa kamiin si aad ah loo qorsheeyey loo dhigay askar gumaysi oo xaabo u raadsatay duleedka magaalda waxayna si idha la’aan ah ugu dhaceen kamiinkii ay NH/CWXO udhigeen waxaana halkaasi lagaga dilay 15  Askari halka dhaawacuna uu yahay 20 kale

14/06/2012 Qudhacmaygaag oo deegaanka Xamro ka tirsan weerar ay ku qaadeen CWXO askar gumaysi oo deegaankaasi ku sugnayd ayaa waxaa lagaga dilay 5 aksri 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

15/06/2012 Labadarre oo isla deegaanka Xamro ah weerar qorshaysan oo lagu qaaday askarta mooraalka jabsan ee gumaysiga ethiopia ayaa waxaa halkaasi lagaga sahayday 8askari halka dhaawacuna uu ayahay 5 kale

18/06/2012 Lo’boob oo Awaare kartisana kamiin loo dhigay kolonyo gaadiidh gumaysiga ah ayaan wali alaga  helin wax faahfaahin ah

19/06/2012 Sagalaha oo katirsan dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qorahay ayaa kamiin si cilmiyaysan loogu dhigay gaadiid uu lahaa gumaysigu oo halkasi marayey waxaa lagaga gubay laba baaruur waxaana halkaasi ku basbeeley baabuurtii iyo askartii gumaysiga ee saarnayd.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay