Ogaden News Agency (ONA)

BREAKING NEWS: Galaalshe oo Ciidamada JWXO Gacanta kuhayaan.

War Deg deg ah oo nagasoo gaadhay Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegay in maalinimadii shalay oo ay taariikhdu ahayd 19/06/2012 ay askartii gumaysiga Ethiopia ee daganayd Magaalada Galaalshe  isaga guureen cabsi farabadan oo soo wajahday ciidamda gumaysiga Ethiopia awgeed, kadib markii CWXO ay gacanta ku dhigeen Deegaanka Bulladari iyo goobo kale oo aan saas uga fogayn Magaalda Galaalshe

Askarta gumaysiga Ethiopia ee isaga caratay Magaalada Galaalshe ayaa tiradooda lagu sheegay in kabadan illaa 800 oo askari

Ciidamada gumaysiga Ethiopia iyo dabaqoodhigii magaalada Galaashe ayaa gabi ahaanba isaga cararay deegaankasi,waxaana hadda gacanta ku haya Magaalada Galaalshe CWXO oo ooda ka qaaday maxaabiis  farabadan oo ay gumayisgu isaga carareen iyagoo ku jira jeelal ciqaabeekii ay hakaasi kasamaysteen,

Dadwaynaha reer Galaalshe ayaa si wayn usoo dhaweeyey CWXO markii ay soo galeen magaalada waxaana la arkayey cutubyo katirsan CWXO oo gudaha magaalda galaalshe dhex maraya iyadoo dadwaynahu ay si koox koox ah ulataagnaayeen CWXO,

ONA

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12758

Posted by on Jun 20 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 6,686
  • Last 7 days: 56,760
  • Last 30 days: 243,334
  • Online now: 17
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com