Tababar Caafimaad oo maanta usoo xidhmay Ciidamada qalabka sida ee ONLF
Xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya maanta in Tababar Caafimaad oo mudo ka socday Xarunta Dhexe ee JWXO lagu soo gababeeyey Halkaasi maanta oo tariikhdu tahay 20/06/2012.
Tababarkaan ayaa waxaa loosoo xidhay N/hurayaal kasocday qaybaha CWXO, waxaana tabarkaasi Bixinayey macalimiin aqoon durugsan u leh caafimaadka oo kasocotay Xarunta Dhexe ee JWXO.
Xidhitaankii tababarkaasi caafimaad ayaa waxaa soo xidhay kana soo qaybgalay masuuliyiinta Xarutna dhexe ee JWXO iyagoo halkaasi kula dardaarmay Ardaydii dhamaysatay Tababarkaasi,
Masuuliyiinta JWXO ayaa waxay dadaal adag ugu jiraan sidii loo dabooli lahaa baahida caafimaad ee ay qabaan shacabka Ogaadeeniay iyadoo Sanadkiiba dhowr jeer tababaro caafimaad oo ay soo qabanqaabiso Xarutna Dhexe ee JWXO loo qabto naftood hurayaal laga soo xulo qaybaha CWXO
ONA
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12764














