Muwadin u dhashay Ogadeniya oo lagu dilay wadanka South Afrika
Caawa ayaa waxaa magaalada cape town lagu dilay muwadin reer ogadeniya ah. Waxaa lagu dilay cabdi qaadir xiis dukaankiisii oo ku yaalay tuulo la yidhaahdo nespriy
Cabdi qaadir xiis waxaa ay tuugo hubaysan ku dileen xili fiid ah isagoo ganacsi uu lahaa ku jira.
Maamulka Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee wadanka South Afrika ayaa ku tilmaamtay dilkan mid aad u fool xun waxayna tacsi u dirayaan eheladi iyo qarabadi marxuumka.
Wadanka South Afrika ayaa waxa ku nool shacab badan oo kasoo jeeda dhulka Somalida Ogadeniya oo halkaas u qaxay, kadibna ka bilaabay shaqooyin ay noloshooda kasoo saartaan. Wadanka South Afrika ayaa ah wadan hubku fasaxanyahay oo qofkastaba uu heysto qori. Dadka lokeshinada ka shaqeya ayaa hadiyo jeer noloshoodu khatar ku jirtaa oo ah dad difaac ku jira. Waxaana sanadihi lasoo dhaafay lagu dilay dadbadan oo somaliyeed oo maciishadooda dhexdeeda lagu dilay.
waxaan marxuumka ilaahay uga baryaynaa inuu janadii ka waraabiyo aamiin aamiin
Wadanka South Afrika ayaa ah wadan ay Jaaliyad xoog badan oo loosoo gaabiyo JOKA ka dhisantahay, waxaana dhowaan ay jaaliyadu xidhiidho lasameysay dowlada Wadanka South Afrika si dhibatada dhulka Ogadeniya ka jirta wax looga qabto. Waxaa kale oo kulamada Jaaliyada kamid ahaa mid ay ku badbaadinayaan dadka soamliyeed sidii ay nabad galyo ugu dhex noolaan lahayen wadanka South Afrika.
ONA
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12769














