Ogaden News Agency (ONA)

Banaanbaxi Brusel oo cawa kasi bilowday Garomada Dayuradaha iyo Jidadka gala Brussels.

Muuqalkan Sare Waa Banaanbaxi Sep 2011/ Sanadkii hore lagu horqabtay Guriga Baarlamaanka Euorpe.

Jaaliyadihi Ogadeniya oo Garoomada iyo Wadooyinka kusi jeeda Brussel calanka sii lulaya.

Waxaa maanta ka baxay qaarada Europe shacab aad u xoog badan oo ku baxay basas, gawaadhi iyo dayuurado iyaga oo kusii jeeda wadanka Xarunta Baarlamaanka Europe ee Belgium.

Waxaa dadkaas kamid ahaa Jaaliyada Manchester oo maanta galabti ka duushay garoonka Dayuuradaha magaladaas waxayna caawa ku baryeen magalada Brussel oo ay caawa seexan doonan.

Sidoo kale waxaa kamid ah Jaaliyada Birmingham iyo Jaaliyada London oo maanta isugu yimid magaalada London siwada jir ahna uga qaatay busas midkiiba qaado 70 qof..  Waxa hadabada Jaaliyada Ingiriiska oo hadiyo jeer tiro aad u badan ku tagta banaanbaxyada ka dhaca Europe kasii horeeya ama madasha la isugu imaan doona Jaaliyadaha ay kamidka yihiin, Denmark, Finland, Sweden, Holland, Germany, Norwey, Switzerland, Austria iyo Jaaliyada martida loo yahay ee Belgium. waxaana la filaya inuu ka xoog badnaado kii sanadkii hore oo kumanaan kasoo qeyb galay u dhashay somalida Ogadeniye ee Europe.

Banaanbaxa oo bari subaxi bilaabmi doona ayaa waxa mucjiso noqotay in dadkii mudaharadayay ayba hadda sii hor tuban yihiin goobihi lo cayimay inay bari yimadaan.

Waxaana bari subaxi 10 AM halkaas ka bilaaban doona Banaanbax la horitsaagi doono Guriga European Parliament. banaanbaxan ayaa waxaa uu dhamaan doona 2 Galabti iyada oo lagu wado in dad kamid ah Masuliyiinta Jaaliyadaha Ogadeniya iyo dad u ololeeya qadiyada ogadneiya oo ka tirsan Baarlamanka EU iyo waliba hayadaha Xuquuqul insaanku inay guriga Baarlamaanka kasoo dhiggaan dacwado ka dhan ah Gumeysiga Ethiopia oo bari saaran kawaanka sidii loo qiimeyn lahaa dhaqalaha ay EU-du siiso.

 

Hadaba warbixintan sawiraan iyo maqal iyo muqaalba kalasoco ONA.

 

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12777

Posted by on Jun 20 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 7,930
  • Last 7 days: 55,958
  • Last 30 days: 243,503
  • Online now: 19
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com