Dhaq-dhaqaaqa xoogan ee maamulka Jaaliyadda Koonfur Afrika JOKA uu dalka ku kala bixiyay
Waxaa baryahan sidaad la socoteen laga waday wadanka South Africa abaabul aad u baaxad balaadhan oo ay wadeen gudiga sare ee jaaliyada somalida ogadeniya Koonfur Afrika (JOKA). Abaabulkaasi oo ka socday gobolo kala duwan ayaa waxaa ay gudiga jaaliyada shirar fara badan oo is daba jog ahaa la qaadanayeen maamulada jaaliyada, xubnaha jaaliyada iyo shirar kala duwan oo ay jaaliyadu la yeelanaysay odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ardayda jaamacadaha iyo iyo Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda OYSU/SA.
Waxaa 15kii June magaalada Johanisburg ka dhacay shir ay isugu yimaadeen maamulka jaaliayda S.Ogadeniya iyo maamulka gobolka Gauteng oo ay hoos yimaadaan gobolada Johannesburg, Pretoria, bmulang, Lacombe, North West, Free State, iyo Northern Cape.
Shirkaasi ay isugu yimaadeen waxaa wehelinayay kaadirka qaybo ka mid ah waxaana lagaga doodayay oo laysla meel dhigay doodahaasi ka dib sidii wax qabadka loo sadex jibaari lahaa ama hormar aan horey loo gaadhin loo gaadhsiin lahaa waxqabadka jaaliyadaha Koonfur Afrika.
Shirarka ay Gudida qabatay mudadii la soo dhaafay ayaa sidan u kala qabsoomay;
17 bishan waxaa magaalada Rustenburg lagu qabtay shir aad u qiimo badnaa oo lagu casuumay Somalida dhamaan, waxana shirkaasi aad horey uga akhrisateen saxaafada.
18 bishan ayaa iyadna waxaa shir isugu yimid dalada sare ee OYSU iyo gudiga jaaliyada S.Ogadeniya iyo ardayda jaamacadaha ay u soo dhamaadeen imtixaanaadkii waxaana meesha ka madhnayn oo isugu yimid iyana maamulka faraca gauturn iyo gudiga JOKA.
20 bisha oo maanta ahayd ayaa waxaa shir isugu yimid gudiga faraca Gauteng maamulka jaaliyada JOKA iyo xubnaha faracyadaPretoriaiyo Johannesburg. Waxaa shirka qayb weyn ka ahaa OYSU oo si heer sare ah uga soo qayb galay shirka, waxaana ka joogay xubno ay ka mid yihiin mudane Axbaab oo matala dhamaan dalada OYSU wadankanSouth Africa. Shirkan ayaa waxaa ka hadlay xubno aad u tiro badan oo isugu jiray rag iyo dumarba, iIyadoo laga hadlayay mawduucyo badan oo ku kala saabsanaa qodobo doodeedyada la soo bandhigay ama shirku uu ka duulayay.
Waxaa ka mid ahaa arimaha lagaga hadlay dardaaran ay isugu dardaarmayeen xubnaha OYSU iyo maamulka jaaliyada oo hada waxii ka danbeeya u anbabixi doona xarunta jaaliyada oo ay mudo bil ah ku soo maqnaayaan.
Hashi-KA/ONA
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12790
















MASHALAAH WAXAA II MUQATAYA AKHYAARTAYDIII WAAHADSANTIHHIN DADALAAD M
waa wax lagu farxo in aad aragto muwaadiniintan oo kale oo aad kadareemi karto sida ay halgan ka lagu xoraynhayo shacbiyadda dulman ee samalida Ogadenia maalin iyo habeenba ugu soo jeedaan iyaga oo faraha kaqaaday dana hoodii khaaska ahaa sida kamuuqatana muddo kabadan bil and 30 days ay soo maqan yihiin ciyaalkoodii iyo haweenkoodii i say mashaa alaah