Ogaden News Agency (ONA)

Dibad bax looga soo hor jeedo dhaqaalaha lasiiyo Ethiopia oo ka socda Brussels

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21/6-2012-ka dibad bax balaadhan isugu soo baxay shacabka S/Ogadenia ee ku nool qaarada Europé. Dibad baxa ayaa wuxuu ka socdaa xarunta Midowga Yurub ee dalka Belguim-ka ayay shacabka S/Ogadenia ku codsanayeen sidii looga joojin lahaa deeqaha la siiyo xukuumada kaligii taliye Melez Zanawi oo u adeegsada  xasuuqa shacabka dulman ee S/Ogadenia.

Shacabka geesiga ah ee  reer Ogadenia oo cadhaysan ayaa dareenkooda ku muujiyay sida ay uga xun yihiin dhibaatada & dacadiga lagu hayo shacabka walaalahooda ah ee ku dhaqan gudaha Ogadenia, sikastaba ha ahaatee ficilada & erayada ay ku dhawaaqayeen mudaharaadayaasha ayaa soo jiidanayay indhaha bulshada reer Belguim.

Qaabka mudaharaadayaasha ayaa ahaa mid wax badan ka badalnaa siyaalahii hore ee ay u dibad bixi jireen, waxaa ka muuqday qiira badan ayagoo matalayay ama muujinayay sida dhabta ah ee loo xasuuqo shacabka S/Ogadenia.

Dibad baxa oo bilaawday saaka 9:30 am aroornimo ayaa wali socda oo aysan fari ka qodnayn iyadoo ay saacadu sii cagacagaynayso 01:00pm duhurnimo, waxii dib kasoo kordha & sida uu dibadbaxu kusoo gabagaboobo dib ayaanu idinkala soo socodsiin doonaa insh-allaah.

 

Ilwaad Ali/ONA - Brussels.

 

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12826

Posted by on Jun 21 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 9,392
  • Last 7 days: 59,110
  • Last 30 days: 245,554
  • Online now: 27
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com