Culimo-awdiinka Ogadenya ee magaalada Garissa ayaa shalay(Khamiis:21 June 2012) isugu yimid kulan hordhac ah oo ay kaga arinsanayeen sidii loo dhaqaajin lahaa la iskuguna keeni lahaa culimo-awdiinka Ogadenya ee ku dhaqan gobolka waqooyi bari Kenya iyo guud ahaanba wadankaas.

Ujeedada u weyn ee kulankaasi ayaa ahaa soo noolaynta doorka culimadu ay ku leedahay kan qayb qaadashada halganka hubaysan ee loogu jiro xoreynta Ogadenya,waxayna hoosta ka xariiqeen culimadu inay ka gaabiyeen awal hore wacyi galinta iyo dhiiri galinta shacabka dulman ee ogadenya sidii ay iskaga qaadi lahaayeen heeryada gumaysiga madoow ee daashatay,Culimada oo kamid ah qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ah tiir muhiim ah oo halgan kasta iyo mujtamac walba uusan ka maarmin waxayna culimada Ogadenya hada usoo jeesteen sidii ay dhinacooda uga adkayn lahaayeen halganka xoriyadoon ee Ogadenya.

Sheekh Maxamed Faarax oo kamid ahaa culimadii ka qayb gashay kulankaas aadna looga yaqaano gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa ku nuuxnuuxsaday siday uga goan tahay culimada Ogadenya is barbartaaga shacabka wadaniyiinta ah ee Ogadenya iyo in hadda la joogo ama ay hadhayba doorkii culimada ayna naf iyo maalba u huri doonaan xoreynta Ogadeyna,wuxuu Sheekhu intaasi ku daray in kulankoodu uu biloow yahay balse ay balaadhin doonaan gaadhsiinna doonaan wadanka Kenya iyo caalamka oo dhan.

Wakaalada wararka Ogadenya(ONA) mar ay la xidhiidhay cilimadaas ayay u sheegeen inay ONLF maanta tahay ama gaadhayba heer lagu faano cidnana looga gabanaynin taageerida iyo xaqnimada qadiyada Ogadenya,kulankii shalay oo ahaa hordhac ayaa lagu wadaa siday carrabka ku dhufteen culiumadii ka qayb gashay inay maalmaha fooda nagu soo haya iskugu iman doonaan kulan ka weyn midkii shalay.

Waraysi dheer aadna u xiiso badan oo ay Radio Xoriyo la yeelatay qaar kamid ah culimadaas shalay kulanka ka qayb gashay waxaad kala socotaan idaacada iyo bogga ay Radioxoriyo ku leedahay Youtubeka iyo guud ahaan webabka halganka.

ONA/Garissa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay