Daggaalo Ciidamada Cadowga ee Woyanaha iyo kuwa Hawaarinta lagu jabiyay
Dagwararka nagasoo gaadhay xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo lagu naafeeyey askarta gumaysiga ethiopia oo kadhacay wadanka ogaadeeniya
dagaaladaas oo ah kuwo maalinla ah ayaa waxay udhaceen sidatan
17/16/2012 Deegaanada kitaabaley oo Magaalada Dhagaxbuur udhow, Caado iyo Qoriile oo kawadatirsan Gobolka Doolo dagaalo halkaasi ka kaladhacay waxa askarta daalan ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 13askari 18 kalana waa lagaga dhaawacay
21/06/2012 Deegaanka Cadaley oo Magaalada Dhagaxbuur katirsan dagaal ka dhacay waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 3 askari waxaana lagaga dhaawacay 5 kale
14/06/12 Deegaanka lagu magacaabo Boodhley oo isna katirsan Dhagaxbuur, ayaa waxaa isku uruursaday dabaqoodhiaga hawaarinta iyagoo dhibaatoonyin farabadan u gaystay dadaka shacabka ah arintaasi markii ay kawarheleen NH/CWXO ayaa waxay ku soo qaadeen weerar, si loo badbaadiyo dadka shacabka ah,
Dagaal halkaasi ku dhex maray NH/CWXO iyo Maleeshiyada dhidid dhowrka u ah gumaysiga Ethiopia ayaa waxaa halkaasi lagaga dilay dabaqoodhiga hawaarinta 25 halka dhaawacuna uu hor udhaafayo 12 kale
15/06/2012 halka lagu magaabo Karaawan oo dhagaxbuur udhow dagaal halkaasi ka dhacay ayaa waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 5 askari halka lagaga dhaawacay 7 kale
19/06/12 dagaal ka dhacay deegaanka Qaydar-dhiig oo Awaare udhow ayaa waxaa askarta saama laluudka ah ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 12 askari halka lagaga dhaawacay 21kale
19/21/06/12 weeraro mir ah oo lagu kala qaaday deegaanada Madaxmaroodi oo Qabridahar katirsan iyo Kaxda-ballay oo Abaaqarow udhow ayaa khasaare aan faah faahintoda nasoo gaadhin lagu gaadhsiyay ciidamada Cadowga.
ONA
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=12946















Aaah ku dirirsaday daankay jabshen danabyadi jwxo dabaqodhi daalan iyo dadcunkaa wayanahanaha ku digsiiya dubaha wayn haba dareerene