Magaalada Nairobi waxaa maanta laga xusay aasaaskii urur weynaha oysu oo lagu aas aasay magaalada Copenhagen ee waddan Denmark halkaas oo ay ku midoobeen dhamaan  ururadii dhalinyarada ee watay magacyo kala duwan kuwaas oo dhamaantood  ahaa ururo ka garab shaqeeya Jaaliyadaha Ogaadeeniya ee aduunka.

Hadaba xaflada ay maanta ay ururka oysu Kenya ku qabteen magaalada oo ay ka qayeb galeen boqolaal dhalinyaro taageerayaasha urur ka OYSU Kenya ah ayaa waxaa furey oo hadalo kooban ka jeediyey Gudoomiyaha Ururka kana warbixiyey waxqabadkii guud ee ururka iyo waliba natiijadii ka soo baxday midowgii ururad dhalinyarada Ogaadeeniya ee daafaha dunida joogta kana kuwan midoobay ururka OYSU.Sidoo kalen waxaa Shirka ka hadlay xubno kamid aha hogaanka ururka oysu Kenya oo dhalinyarada ku guubaabiyey in ay buuxiyaan kaalinta kaga aadan shaqada halganka iyo in doorka dhalinyarada Ogaadeeniya uu yahay mid lamid ah kan dhalinyarad aduunku ay oogu jiraan hor marka iyo iska dulqaadida gumaysiga waxayna tusaale yaashaas u soo qaateen wadamadii xornimada qaartay oo ay oogu danbaysay South Sudan.

Munaasabada xuska aas aaska OYSU oo dareen iyo xiiso gaar aha ku dhalisay dhalinyarada waxaa heeso dhaantooyin iyo waliba ciyaaro dhaqameed ka soo jeediyey kooxda Danab ee Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee Bariga Afrika iyadoo heesiyihii halkaas laga qaaday ay dhamaantood ka hadalayeen kalsoonida bulshada dhexdeeda  iyo qiimaha dhalinyaro ay maskaxduudu shaqayneyso  u leeyihiin dal la guumaysto.

Waxyaabihii munaasabada  lagu sameeyey waxaa kamid ahaa barnaamij loogu magac daray  “Dhadhamin oo dhiib” waxaan dadweynah la siinayey cuntooyin laga sameeyey cunto dhaqameed Ogaadeeniya laga isticmaali jiray.

Gabogabadii xafladaas ayaa ku dhamaatay guul iyo gacmo wadda jir bay guul ku dhaliyaan .

ONA/Nairobi


 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay