(Muqalkan waa Jaaliyada JOKA oo geed Hoosti ku qorsheynaysa Howlaha Jaaliyada)

Males Zenawi maysan Aheyn in lagu soo dhaweyo South Afrika waxay aheyd in lagu maxkamadeyo oo cadalada loo falo shacabka Ogadeniya.

Wargeyska Daily Mail- South Afrika – 25 May 2012

Wargeyska Weyn ee kasoo baxa South Afrika ayaa waxa lagu soo daawacay Faalo aad u dheer oo looga hadlayo Kaligi taliye Zenawi iyo safarkii uu ku yimid wadanka Soouth Afrika waxaana cinwaan weyn looga dhigay ” Males Zenawi oo soo dhaweyn heer qaran ah ka helay Dowlada Wadanka South Afrika iyada oo wali Shacabka Ogadeniyana uu Cadaaladi sugayay lagu maxkamadeyn lahaa ninkaas”.

Wargeyska ayaa qeexay in shacabka Ree Ogadeniya ay heysato dhibaato ku filan oo ay ka andacoodaan taas oo ah xasuuq iyo tacadiyo lagu hayo shacabka Ogadeniya kana soo gaadha maamulka Kaligi Taliye Zenawi. Waxaa hada ka hor ay Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee wadanka Soouth Afrika ay dacwad maxkamada Sare ee wadanka South Afrika usoo gudbiyeen danbilayaasha xasuuqa ka geystay Ogadneiya. Waxayna aheyd markii uu kaligi taliye Zenawi soo gaadhay wadanka South Africa in horey laga qabto oo lagu maxkamadeyo danbiyada uu gaystay.

Taas ma dhicin balse geesiyiinta somalida Ogadeniya ee ku dhaqan wadanka South Afrika waxay markiiba bilaabeen banaanbaxyo ay kaga hortagayaan kaligi taliye Zenawi iyaga oo ku hor mudahadaraday safaarada Ethiopia horeteeda ee Pretoria. Sidoo kale waxay ka xanibeen Zenawi innuu ka qeyb galin shirkii uu u yimid ee ahaa innuu kasoo jeediyo qudbad kulanka (Thabo Mbeki African Leadership Institute at Unisa’s Pretoria campus) waxana loo maleeyay innuu ka cabsaday su’alaha faraha badan ee laga weydiin lahaa xasuuqa Ogadeniya uu ka geysto. sidaas awgeed waxa loo maleyay innuu cabsaday males zenawi oo uu doorbiday in ceeb horteed ka dhuunto shirkii uu u yimid wadanka South Afrika markuu arkay abaabulka Xoogan ee Shacabka Ogadneiya ee ku nool wadanka South Africa siday uga go’ntahay in ay ladagalamaan ninkan.

Males Zenawi danbiyadiisa waxaa kamid ahaa ee la su’ali lahaa, Maxkamada sare ee Wadanka South Afrika kiiska ka yaala. Waxa markii maxkamadan loo gudbiyay dacwadan islamarkiba uu bilaabay males Zenawi innuu ciqaabo Jaaliyada Ogadeniya ee South Afrika isaga oo kiiskan kaga aar guttay xasuuq uu maalmihiba ka geystay deegaanka Gunagado oo 30 qof hal maalin gudaheed uu ku xasuuqay.

kiiska ay Jaaliyada SOmalida Ogadeniya u gudbiyeen maxkamada Sare ee Wadanka South Afrika oo ah mid waafaqsan xeerarka Caalamiga ah ee ICC-da ayaa rajo fiican laga qaba madama wadanka South Afrika maxkamadisu ay kiisaska noocan oo kale ah ay qaadato iyada oo ay jirto kiis lamid ah kan oo lagu oogay wadanka Zimbabwe. Sidaas awgeed waxa saaran masuuliyad inay maxkamada South afrika baadhitaano ku sameyso danbiyada dagaal iyo midka bani aadanimo ee laga galay shacabka Ogadeniya.

Waxaana nasiib daro noqotay ayuu wargeysku yiri in Zenawi goobti lagu xidhi lahaa lagu soo dhaweeyo. Balse looma ciil qabo madama oo wadanka jaaliyada Ogadeniya ay ka ceydhisay kaligii taliye cagahana wax ka dayay.

Wargeyska ayaa waxa uu ka xog waramay xasuuqyada joogtada ah ee sida hayadaha Xuquuql Insaanka iyo warbaahinta caalamku ay kasoo diyariyeen dhulka Ogadeniya. Midaas oo si faahfaahsan uga warameen. Waxaana warbixintan diyariyay masuliyiinta Jaaliyada Ogadeniya ee Jaaliyada JOKA iyaga oo kaashanaya wargeyska ugu weyn wadanka South Afrika.

Jaaliyada Ogadeniya ee South afrika ayaa xoog siyaasaded iyo mid dhexgalba laleh wargeysyada iyo waaxyaha dowlada iyo hayadaha bulshada ee wadanka South Afrika.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay