Daawo Filimkan hoose oo Wariye Afrikan ah kaga waramayo Tarikhda Xun ee Zenawi iyo Warbixin ay soo saartay Haayada Global Finacial Integrity oo ah  Haayad Madax Banaan oo Mareykana fadhigeduna yahay Washington oo baadhitaano kasameysay musuqmaasuqa dhaqalaha Ethiopia lagaso bilaabo sanadkii 2000 illa sanadkan ama 2009.

Baaq ay hayada Global Finacila Integrity ay kasoo saartay lacagaha faraha badan ee Wadanka Ethiopia lagasoo xado ee wadanka dibadisa loo soo saaro ayay ku sheegtay in sanadkii 2009 lacag gaadhaysa 6.52 Billion oo Doolar dibada loo soo dhoofiyay. lacagahan ayaa ah lacago si sharci daro ah loogasoo dhacay bulshada Ethiopia oo dad shaqsiyaad ah ay bangiyada caalamka ku shubteen.

warbixintan ayaa waxa si qotto dheer loogu eedeyay wadanka Ethiopia oo qaata deeqda gargaarka  ugu badan ee wadamada Ree-galbeedku ugu deeqaan wadamada saboolka ah, in musuq-maasuq iyo boob badan uu ka jiro lacagaha deeqda ah ee Ethiopia lasiiyo iyo kuwa wadankaas lagasoo saaro intaba.

Eedeyntan ay hayada Global Finacial Integrity ay soo saartay ayaa waxa ay ku soo beegantay waqti fiiro gaar ah loo yeeshay iyo baadhitano lacagaha deeqda ah ee Ethiopia lasiiyo. Sidoo kale waxa Ethiopia lagu eedeyay xasuuqyo iyo lacaagaha Deeqda ah oo si siyaasadeed loo adeegsado. Waxaana cadeymahan cusub ee shegaya in dhaqalaha Ethiopia dad shaqsiyaad ah ay ku shubtaan Bangiyada laga leeyahay wadamada Ree galbeedka ayaa waxay sii saaraysa culeys badan kaligi taliye Meles oo waqtigiisi gabaabsi yahay.

Waxa kale oo markii u horeysay TV-yada wadamada Afrikanka ah laga sii dayay musuq maasuqa dowlada Zenawi iyo sida uu u cabudhiyo shacabka Ethiopia ee uu ugu guuleystay lagasoo bilaabo sanadkii 1991 illaa 2012 innuu kursiga ku fadhiyo dhiiga shacabkana u daadiyo. warbixintaas oo Af Ingiriis ah hoos ka daawo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay