Waxaa laba gu jirsaday Ururka Dhalinta iyo Ardeyda Ogadeniya ee ku midoway magaca OYSU magalada Copenhegan ee Wadanka Denmark. Hadaba ururka OYSU oo mudadii uu midowgan hiirgalay laga soo bilaabo shaqooyin badan u qabtay qadiyada lagu raadinayo Xoriyada ayaa waxa xafiiska Ururka OYSU uu soo saaray Baaq ku aadan Hanbalyo ay u dirayaan shacabweynaha Somalida Ogadeniya iyo Masuliyiinta JWXO iyo Ciidamada Qalabka sida iyo dhalintaba ayaa waxa ay soo saareen baaqan hoose. oo uu ku saxeexanyahay afahayeenka Ururka Halgame Shaafi.
Hambalyo ” Sanadguurada 2aad ee Midowga Dhalinta Ogadeniya OYSU
Ugu horayn anigoo ka faa iidaysanaya sanadguurada ka soo wareegtay midowgii urur waynaha dhalinyarada iyo ardayda Ogadeniya waxaan si diirran u salaamayaa, Hogaanka Jabhada Waddaniga Xoraynta Ogadaenya oo uu horgal u yahay gudoomiyaha JWXO Adm M Omar; N/huryaasha CWXO iyo dhamaan dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee shacbiga qaaliga ah ee Somalida Ogadenia meel uu joogaba , Ilaahayna waxaan ka baryi inuu halganka aad ugu jirtaan xoraynta Dalkiina idinku guuleeyo hawlahana idiin fududeeyo.
Anigoo ku hadlaya Magaca Ururweynaha -OYSU- waxaan hambalyo udirayaa gudoonka Ururhoosaadka.Xubnaha Ururhoosaadka.Howlwadeenada kala duwan ee ururweynaha -OYSU- iyo dhamaan dhalinyarada somalida Ogadenia meelkasta ay kala joogaan sanadguradii labaad ee ka soo wareegtay markii la mideeyay 27-June-2010- maskaxda iyo awoodii kala baahsanayd ee dhalinyarda iyo ardayda somalida Ogadenia ku kala howlgali jireen.Waxaan umahadcelinayaa marlabaad xubnaha iyo taageerayaasha Ururweynaha -OYSU- ee fashilay isla markaana diiday kana hortagay in dhalinyarada iyo ardayda somalida Ogadenia lugu mashquuliyo barnaamijyada la soo farsameeyay ee markaasi lugu fulinayo qorsheyaasha siyaasadda Tigreega -ama TPLF- .
Baaq:
Ururweynaha Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia wuxuu baaq u dirayaa in dhamaan shacabwaynaha S. Ogadenia ay gacmaha isu qabsadaan sidii ay uga bixilahaayeen dhibaatada Gumaysiugu. Wuxuu Ururweynaha -OYSU- ugu baaqayaa -Ugaasyada- Boqoradda- Hooyooyinka- aqoonyahanka- ganacsatadda- culumadda – ardayda iskuuladda – ardayda jaamacaha- ee ku nool gudaha dalka Ogadenia in la taageero isbadaladda siyaasadeed iyo kacdoonka looga soo horjeedo sidii meesha looga saari lahaa gumaysiga -Tigreega –
Cambaareyn:
Ururweynaha -OYSU- wuxuu  cambaareynayaa falalka argagixisinimada leh ee xukuumada TPLF-kula kacayso shacabka somalida Ogadenia, sida Kufsiga, Dhaca iyo boobka xoolaha shacabka, Xadhiga iyo Jidhdilka. Waxaan sidoo kale cambaarayn lamid ah usoo jeedinaynaa inta gacanta kusiinaysa gumaadka shacabka aan waxba galabsan ee S. Ogadenia oo iyagu fulinaya rabitaanka gumaysiga aan naxayn.
Afhayeenka guud ee -OYSU-
Mudane shaafi sheikh abdi
 
 

1 Comment

  1. ANOO UGA FAADIIDAYSAN HAYA SANAD GUURADA oysu WAXAAN HALKAN KASALAAMAYAA DHAMAAN SHACBI WAYNAHA S,OGADENIA IYO GAAR AHAAN CIIDANNKA QALABKASIDA EE jwxo OO MARWALBA UATAAGAN IN AY SOOCELIYAAN SHARAFTII IYO KARAAMADII oGADENI WAXAAN ILAAHAY KABARYAYAA IN SANNADKAN SADKIISA KALE ILAAHAY XORRIYAD NAGU GAADHSIIYO AAAAMIIIN

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay