Shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen xubhana  jaaliyada  S.Ogadeniya  ee KoonfurtaAafrica ayaa waxaa lagu qabtay xarunta JOKA ee magaaladac Uitenhage.

Shirka ayaa waxaa warbixin ka bixinayay gudiga jaaliyada oo mudo bil iyo wax la jira  ku mashquulsanaa hawlo siyaasadeed iyo mid arimo bulsheed iyo abaabul.

Jaaliyada S.Ogadeniya ayaa qaaday sannadkan talaabooyin siyaasadeed iyo mid xaga saxaafada ah iyo mid abaabul oo aad u mihiimsanaa.

Hadaba warbixintii arimahaasi ayaa lagaga warbixinayay shirkaasi ay isugu yimaadeen xubnaha  xarunta ee JOKA.

Waxaa xubnaha shirka ka soo qaybgalay markii ugu horeysay loo sheegay ajandaha iyo qaabkii uu shirku ku socon doono, ka dibna waxaa lagu soo dhaweeyay wacdi diini ah oo qiimo badan oo laga soo jeediyay shirka. Intaa ka dib waxaa la guda galay in laga dhagaysto warbixin muhiim ah oo laga sugayay gudigii wareeg hawleedka ku maqnaa. Waxaana warbixintaasi soo jeediyay gudoomiyaha jaaliyada.

Ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay hogaanka abaabulka iyo arimaha bulshada halgame  Cade Axmed oo ka hadlay arima la xodhiidha abaabulka iyo hawlaha bulshada. Waxaa kalo ka hadlay xubnaha gudiga oo ka hadlay arimo kala duduwan oo ku aadanaa waxqabadkii  la qabtay.

Ka dib warbixinadii gudiga ayaa waxaa loo furay shirka laba qodob oo loo soo jeedinayo guddiga oo kala ahaa;

1-    Dhaliil ama  bogaadin

2-    Talo iyo tusaalayn

Waxay xubnihii shirka ka soo qaybgalay soo jeediyeen arimo aad muhiim u ah oo ku saabsanaa qodobadii laga hadlay.

Waxaan rajaynaynaa inaan idiin soo gudbino hadii alle idmo waraysiyo iyo suugaan isku dhex jirta ee hamoogaanina.

Hashi/ONA.

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay