Ogaden News Agency (ONA)

Jaaliyadda Yemen oo bandhig faneed qiimi leh soo bandhigay (hoos ka daawo filim xiisa leh)


Waxaa si fiican loogu caweeyay hall-ka jaaliyada S.ogadenia ee dalka Yemen Xalay oy taariikhdu ku beegnayd 27June ,2012. Waxaa halkaa lagu soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka caanka ah ee ay umada Ogadenia gaarka u lahayd sida Dhaanto loogu magac daray barbaray iyo hees cusub oo ay soo diyaarisay kooxda dhaqanka jaaliyadda Ogadenya ee dalka Yemen/Sanca ee HORSEED.

Waxaa kaloo meesha aan ka madhnayn oo goobta lagu soo diyaariyay qalabkii Hidaha iyo dhaqanka aynu u lahayn sida kebada, hararada, mooyihii iyo tibtiisii, Xeedhadii colobta ahayd oo sifiican loo soo shuumay.

Waxan soo xaadiray xafladan caweyska ah bulshada qaybaheeda kala duwan oo ka koobnaa Odayasha, hooyooyinka, ururka dhalinyarada, maamulka jaaliyada, gudiga qoxootiga.

Xafladani oo ahayd tii loogu talagaylay inay jaaliyadu kaga qayb gasho Maalintii Qoxootiga Aduunka oo dhici lahayd June 20,2012 taaso loo baajiyay sababa la xidhiidha dhinaca Amaanka.

Marka jaaliyada S.Ogadenia ee dalka Yemen ayaa noqotay jaaliyada kaliya ee iskeed
u qabsatay xafladaas baaqatay, arintaasoo muujinaysa mintidnimada jaaliyadda Yemen ay ku halgamayso.

ONA.

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=13151

Posted by on Jun 28 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 8,495
  • Last 7 days: 59,704
  • Last 30 days: 245,714
  • Online now: 30
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com