Daggaaladi ugu danbeeyay ee Geesiyiinta JWXO ku qaaden Ciidamada Woyanaha.
Wararka nagasoo gaadhaya xarunta dhexe ee JWXo ayaa sheegaya dagaalo lagu qaaday askarta daalan ee gumaysiga Ethiopia oo ka dhacay wadanka Ogaadeeniya
Dagaaladaas oo ah kuwa joogta ah oo maalin walba dhacaya ayaa kuwii nasoo gaadhay waxay udhaceen;
26/06/2012 Deegaanka Qaydardhiig oo katirsan Dagmada Aware falgaadmo ah oo halkaasi ay kafuliyeen NH/CWXO ayaa waxaa askarta gumaysiga lagaga dilay hal askari halka laba kalana lagaga dhaawacay.
25/26/27/06/2012 Deegaanada Sandhurwaa, Gumburka Hiiley iyo Sandeeyo oo Birqod u wada dhaw weeraro gaadmo ah oo lagu qaaday ciidamada naflacaariga ah ee gumaysiga Ethiopia oo deegaanadaasi joogay ayaa waxaa lagaga dilya 9 askari,17kalana waa lagaga dhaawacay.
25/06/2012 Weerar mir ah oo lagu qaaday xeryaha gumaysigu ee ku leeyahay magaalada Qabridahare ayaa waxaa loogu gaystay khasaare lixaadle.
23/06/12 Deegaanka Caleenwayne oo Abaaqorow udhow dagaal kalkaasi ka dhacay aya waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay halk askri halka labakalana lagaga dhaawacay.
22/06/2012 Weerar si qorshaysan loogu qaaday Askar gumaysi oo kusugnayd Deegaanka Daawadiid oo Dagmada Dhuxun udhow ayaa waxaa askarta dulmiga ku joogta Dalka Ogaadeeniya lagaga dilay 9 askari waxaana lagaga dhaawacay 12 kale.
22/06/12 Halka lagu magacaabo Modoonyaley oo Iimay-bari katirsan weerar gaadmo ah oo lagu qaaday askar gumaysi oo halkaasi joogay ayaa waxaa lagaga dilay 2 askari waxaana lagaga dhaawacay 3 kale.
20/06/2012 Deegaanka lagu magacaabo Kaaraha oo Dagmada Fiiq katirsan kamiin ay halkaas ugaleen NH/CWXO kolonyo gaadiid gumaysiga ah ayaa halkaasi waxaa lagu dilay askar uu kamid ahaa taliyii ciidanka kolonyada ah watay.
13/06/2012 Deegaanka Gosha Gaaloodiga oo katirsan Dagmada Haarcaha dagaal halkaasi ku dhexmaray NH/CWXO iyo askarta gumaysiga Ethiopia ayaa waxaa halkaasi lagaga dilay askarta gumaysiga 3 askari halka dhaawacuna uu gaadhayo 4 kale.
ONA
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=13180














