Ogaden News Agency (ONA)

U.S Senator Leahy oo sheegay in Ethiopia laga jaro Macawamada

Senator Patrick Leahy  ayaa ugu baaqay wadanka Mareykanka in laga jarto mucawamada lasiiyo wadanka Ethiopia oo uu ku eedeyay cadaalad daro iyo xornimo la’aan ay qabaan shacabka Ethiopia awgeed.

Warbixintan oo lagu soo saaray wargeyska Christian Science ayaa looga warbixiyay aragtida gumeysi ee males Zenawi uu lamaaganyahay shacabka Ethiopia. xanibada xuquuqda hadalka oo ay dhacday in maanta nin wariya ah oo ku nool wadanka gudihiisa uusan ka jawaabi karin teleefan uga soo dhaca dibada isaga oo ka cabsi qaba in la dhageysto kadibna lagu xukumo argagaxiso iyo xabsi daa’imi ah.

Waxa tusaale caalamka ugu filan dadkii xukunkii Eskende Nega iyo 23 qof ee wariye ee lala xukumay in Ethiopia aysan ujeedin inay xurmeyso xuquuqda bani aadamka iyo midka xoriyatul qowlka.

Senator Patrick Leahy ayaa ah nin hadda kahorna ka hadlay xasuuqa Ogadneiya kasocda isaga heerar kala gadisan arrintaas uga hadlay.

Zenawi ayaa waxaad mooda in dabinkii suryadiisii uu ku dhiman laha si fiican isugu guntay kuna taaganyahay kursigi uu isku dal dali lahaa marka la’eego ficilada uu ku kacay. Waxa inmudo aheyd kaligi taliye Zenawi ku dhumalaysan jiray argagaxiso ayaan la dagaalama, argagaxisadi ayaa noqday 80 million ee Ethiopia isaguna ninki ladagalamayay.

ONA

 

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=13198

Posted by on Jun 29 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 10,093
  • Last 7 days: 58,398
  • Last 30 days: 245,584
  • Online now: 30
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com