“Walaalkay inuu ahaa mahubo lakiin hooyaday ayaa ii sheegtay inuu lasocday ragii walaashay kufsaday, guriganagiina gubay aabahayna latagay”.  Erayadaas waxaa ii sheegay wiil da’diisu  tahay 17jir waxayna raad-raac wayn u noqotay dambiyada ay shacabka u gaysteen maleeshiyada uu gumaysiga Itobiya ula baxa liyu-police… shacabkana ugu yeedhaan Hawaarin. ( sheekooyinkaa layaabka leh waxaynu ku soo qadi doonaa Q3aad ee taxanahan. Sababo laxidhiidha amniga darteed iyo shaqadayada mustaqbal, suurtagal nooma aha inaan faa-faahino habkaan u soo ururinay xogahan la xidhiidha dadka aanu soo xiganay iyo dhamaan tabaha-baadhitaan aynu adeegsanay.)

Qaybtan1aad waxaan ku eegaynaa aas-aaskii maxaysatada Hawaarinta (liyu police), iyo caqligii ka danbeeyey asaaskooda. Markay Tigree-gu qabsadeen magaalada Adisababa oo Mingisto-na uu ka baxay dalka, ma’aanay filaynin inay awood u yeelan karaan xukunka inay sii haystaan muddo ka badan sanad ama laba. Sidaa darteed waxay ku dhaqaaqeen dhowr talaabo oo khayaano ah oo gudaha iyo dibadda ay ugu talagaleen. Waxaa ka mid ahaa khayaano wayn oo ay aduunka ugu tusayeen inay hub- ka-dhigis guud ku sameeyeen ciidankoodii jabhada ahaa iyo kuwii Dargi-gaba balse hub ka dhigis maaahayne wuxuu ahaa inay hubka iyo awooda dalka dhinac u badiyaan (redistribution not reduction), waxaana hubka dhigsta  lagu  sameyey uun qowmiyada kala jaadka ah ee Itoobiya, oo Tigreegii mooyee intiisa kale dadka hubka ay ka dhigaan. Waxay ciidankooda u qaybiyeen 3ex qaybood, waxaase ugu muhiimsanaa ciidanka la yidhaahdo Liyu Hail ama ( ciidanka gaarka ah), waxayna ilaalin jireen madaxda, goobaha muhiimka ah iyo xuduudaha. Ciidankan waxay toogan jireen qofkii ay ka shakiyaan xataa suuqayada dhexdooda ayay dadka ku dili jireen, gaar ahaan xukunkii hore dadkii ka tirsanaa oo u badnaa qawmiyadaha Amxaarada iyo Oromada wixii kala socday.

Markii  ay dagaalada ka bilawdeen Ogadenya gaar ahaan dagaalkii ururka ONLF oo dagaalkii uu noqon waayay siday filayeen, iyo dhanka Oromada oo (OLF) ay arkeen inay sii xoogaysanayaan ayaa waxaa ku adkaatay in ciidamada caadiga ahi ay la-faltamaan jabhadaas waxaana loo baahday basaasiin iyo maxaysato deegaanadaa oo ciidanka gacan ka siiya hawlaha qaarkood oy ka mid tahay gadh-wadeen iyo inay dhabarka ugu qaadaan raashinka iyo biyaha iyo agabyada kalay u baahan yihiin ciidankooda lugaynaya sida rasaasta iyo dawada. Taasoo markii hore ay ku bilaabeen inay iska qabsadaan qofkay arkaan isagoo meel maraya. Ka dib waxay ka ururiyeen toolooyinka dhalinyaro ay ku qasbeen inay qoryahooda la yimaadaan, iyagoo markaa ka shakisan in lagala dhaqaaqo hadday siiyaan hubkooda. Hasa ahaatee, maxaysatadaa dabaqoodhiga tulooyinka laga ururiyay waxba kama badalin kumana kordhinin ihadhigta (ciidanka TPLF). Wakhtigaa waxaa jiray xafiis la yidhaahdo Xafiiska Amniga iyo Nabadgalyada oo dagma kasta lageeyay oo shaqadiisuna ay ahayd inuu qabaa-ilka iyo beelah Somalida ah ciidan maxaysata ah ka soo ururiyo si N/hurayaasha ONLF loola dagaalamo hab beeleed. Waxaa amniga iyo badqabka oday kasta oo Somali ahna uu ku xidhnaa kolba inta wiilee uu ku soo biiriyo daba-qoodhiga.

Ogadenia waxaa markii 1aad layskaga dayay in maleesiya caadi ah oo habaysan laga qoro sanadkii 2003 waxaana koox dhalinyara ah lagu xareeyay duleedka magaalada Goday. Malayshiyadaas waxaa ladhihi jiray fetno tarash oo macnaheeduna yahay ciidanka sida dag-daga ah u hawlgala (rapid response unit). Ciidankan loo yaqaano fetno tarash wuu ka jiray Itobiya oo idil, wuxuuse aad uga hawlgali jiray  meelo gaar ah sida goobaha ay IHADHIG tu awood u waydo.

Ciidankan markii Ogadenya laga dhisay waxaa madax ka noqday hogaan cusub oo loo bixiyay Hogaanka Malayshiyada, wuxuuna ahaa Cabdulahi Galool Cilmi. Ciidankan iyo dawlada Itobiya durbadiiba way kala shakiyeen. In kasta oo malayshiyadaasi ayna u naxariisanin shacabka hadana ciidankii Itobiyaanka kuma ayna qancin intaasi, waxaana si joogta ah uga dalbayeen ‘Qaddil’ wad ama kordhi, sida dhaqanka Itobiya uu ahaa .

Malayshiyadani  waxay  ka cabanayeen in aan mushaharo la siinin, meesha ay madaxda ciidanka Itobiyaankana ay ku tuhmeen inay xidhiidh la leeyihiin ONLF, dawladana ay halis ku yihiin, ugu dambayntiina waa lakala diray malaysiyadii looga yaqaanay Ogadenia fetno.

Ciidamada Itobiya baahida malayshiyada loo qabay way ku waynayd waxayna u arkeen in fikirku sax yahay balse loo baahanyahay baadhis iyo xogo dheeri ah. Waxyaabaha madaxda gumaysiga dhibku ka qabsaday muda-daas waxaa ugu muhiimsanaa;

1-    Mushaharka la siinayo maleesiyada.

2-    Habka xulashada ciidankan si tuhunka ONLF mesha uga baxo una aaminaan

3-    Taba-barka oo ahaa in dadkan loo helo hab cusub oo suurtagalinaya inayna caqligooda ku shaqaynin, oo xigto iyo cadaw ayna kala garanin, waxay samaynayaana dib u xusuusanin.

Madaxa abniga iyo sirdoonka gumaysiga waxay u hawlgaleen badhis iyo xog ururin sida loo sameeyo nooca malayshiyada ay u bahanyihiin ciidankooda.

Markaan badhitaan ku samaynay arimahaa waxaan soo helnay warar muhim ah oo ku saabsan meelaha laga keenay hal abuurka ciidankan Hawaarinta loo yaqaano. Sanadkii 2004 waxaa markii 1aad loo xilsaaray madax katirsan ciidan ka Ethiopia iyo sirdoonka inay xog-badhis ku sameeyaaan suurtagal-nimada in laheli karo ciidanka loo baahanyahay oo ah mid ka yimaada kana hawlgala meelkasta oo dawlada lagaga kaco.

Decument iyo xogo kale oonu helnay ayaa ka waramahaya madaxda Itobiya inay dalka Suudan ka codsadeen inay ka caawiyaan dhismaha maleeysia nooca janjawiidka oo kale  ah. 2004kii dhexdeedii waxuu kulan  ku dhexmaray magalada Khartoum general magaciisa la yidhaahdo   Mohammad Ahmed Mustafa al-Dabi  iyo  Abay Tsehay oo ahaa wasiirka Kililada. Genera al-Dabi ( Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyadda ICC ayaa raadinaysa), ayaa waxaa la aminsanyahay inuu yahay ninkii sameeyay ciidanka Janjaweed ka Darfuur ka dagaalamay. Sidoo kale Mustafe Hilal oo ah lataliyaha madaxweynaha Sudan ee dhanka amniga markiisii horeetana ahaaa hogaamiyihii malaysiada Janjawiid ayaa ugu yaraan laba jeer qaabilay madax ka socota ciidanka Itobiya. Sida muuqata waxaa halkaa ka samaysmay xidhiidh gaar ah waxaana muddadaas Sudan la geeyay madax ciidan iyo kawaadir kale oo Itobiyaan ah.

Sanadkii 2006 waxaa magaalada Addis Ababa siminaar qarsoodi ah looga furay dad ay kamid ayaayeen hogaankii nabadgalyada ee wakhtigaas oo ahaa Jamiil M.Gaas rag iyo kuwa kale. Siminarkaas waxaa bixinayay madaxdii ciidanka iyo sirdooonka Itobiya ee Khartuum ku maqnaa.

Sidaanu kafahanay xogaha aanu helnay Sudan waxay soo siisay Itobiya macluumaad ka caawinaya dhisida ciidan la dagaalama dadkiisa. Macluumaadka ay Itobiyaanka ay u baadhayeen  oo ay saldhig u ahaayeen qodaba kala ah; mushaharka la siinayo, habka xulashada qofka ciidanka kamid noqonaya iyo waxay ugu yedheen ‘dib- u-curin’ oo  macnaheeda qarsooni uu ahaa in maan iyo maskax-kale lagu rakibo qofka maleesiyada hawaarinta taasoo loo sameeyay aas-aas siyaasadeed oo ku jaango’an waxyaabahii ay ka soo barteen Janjawiidka Sudan.

Q2aad waxaynu ku soo qaadanaynaa samayntii, tababarkii iyo maan iyo maskax guurintii malayshiyada Hawaarin (liyu police)

ONA – I-Office

 

 
 

2 Comments

  1. halgame says:

    waaa warbixin iyo xog waaafi ah oo loobahan guuleyso halgamega qoray sheekadan iyo ONA thanks

  2. oysu says:

    run ahaantii waaa maqaal tabanaya xaqiiiqda kana waramaya sidii loo samiiyey dhuuni qata yaasha waxaan sugeenaa bal qeebta dabe
    Urugadii bulshada ka uurgubashaded
    cadowgii hadana ka afqabashadeed
    ambadkeedii lumay isugu ururinteed
    Onkod iyo hilaac u odorosideed
    Ileyskii xornimo ugubaaqideed
    adigaa lahaa ONLF adaa lahaa.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay