“Walaalkay inuu ahaa mahubo lakiin hooyaday ayaa ii sheegtay inuu lasocday ragii walaashay kufsaday, guriganagiina gubay aabahayna latagay”.  Erayadaas waxaa ii sheegay wiil da’diisu  tahay 17jir waxayna raad-raac wayn u noqotay dambiyada ay shacabka u gaysteen maleeshiyada uu gumaysiga Itobiya ula baxa liyu-police… shacabkana ugu yeedhaan Hawaarin. ( sheekooyinkaa layaabka leh waxaynu ku soo qadi doonaa Q3aad ee taxanahan. Sababo laxidhiidha amniga darteed iyo shaqadayada mustaqbal, suurtagal nooma aha inaan faa-faahino habkaan u soo ururinay xogahan la xidhiidha dadka aanu soo xiganay iyo dhamaan tabaha-baadhitaan aynu adeegsanay.)

Qaybtan1aad waxaan ku eegaynaa aas-aaskii maxaysatada Hawaarinta (liyu police), iyo caqligii ka danbeeyey asaaskooda. Maqaalkan oo taxana ah ayaad kaga bogan doontaan xog badan oo la xidhiidha maxaysatadan Hawaarinta iyadoo qaar ka mid ahaa oo ka tawbad keenay ay ka xogwarami doonaan falal damabiyeedyo naxdin leh oo ay shacabka ku fuliyeen. Sidoo kale dad ay soo dhibaateeyeen ayaa ka xogwarami doona.

Q1aad oo dhamaystiran Riix Halkan:

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay