Waxaa kasocda olole aad u xoog badan magaalada Helsinki ee Caasimada Finland, ololahaas oo dhalinta OYSU Finland ay ugu jiraan qabanqaabada shirweynaha dhalinta iyo ardeyda Ogadeniya ee Qaarada Europe. Shirkan oo ah shirweyne ay sanad kasta qabsadaaan dhalinta OYSU ee heer qaaradeed ayaa OYSU Europe waxaa snaadkan marti galiyay ururka OYSU Finland.

Kulankan kii ka horeyay ayaa waxa uu ka dhacay Norwey Sanadkii 2011 iyada oo kulankan uu noqon doono lagu qaban doono wadanka Finland midkii labaad ee mudadii ururka OYSU uu dhisnaa ee Heer qaarad ay isugu yimadaan dhalinta OYSU Europe.

Hadaba dhalinta Finland ayaa olole balaadhan oo aad uga muuqda magalada helsinki kujirta ay ugu diyaargarobayaan kuna dhameystirayaan qabanqabada kulankaas inahii ugu danbeeyay iyada oo lafilayo in wufuuda shirka uga qeyb gali doonta ee kakala imaan doona wadamada kalagadisan ee Europe ay bilaaban donaan mudo laba todobaad gudahood ah.

Wariyaha ONA ugasoo warama wadanka Finland Cabdiraxmaan Jarari oo si joogta ah ulasocda dhaqdhaqaaqa diyaargarowgan ayaa soo gaadhsiyay xarunta wararka ONA in qabanqabadi ay inta badan dhamaatay oo hada dhalinta OYSU ay ku howlanyihiin sharaxadi shirka iyo shacniga quruxda badan ee qaarkood ka muuqdaan sawiraanta kore.

Waxaana Xubnaha OYSU ee kasoo qeybgali doona shirka iyo marti sharafta ay lakulmi doonaan soo dhaweyn xoog badan iyada oo Wadanka Finland aad loogusoo dhaweyn doono.

Maahan markii ugu horeysay ee dhalinta Finladn ay marti galiso kulan ceynkan oo kale ah balse, waxa wariyaha ONA uu shegay in midkan noqon doono mid aan horey uga dhicin caalamka mudadii ay dhalinta Ogadeniya kulamada noocan oo kale ah sameyn jireen.

Shirkan ayaa qaban qaabadisa iyo mudada uu socdaba aad kala socon doontaan kolba waxii kusokordha.

ONA

Cabdiraxman Jarari

Finland

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay