Qormadan waxaan ku eegaynaa socdaalka Adeegayaasha Gumeysiga Itoobiya gaar ahaa kuwa  ku hadla Luuqada Soomaaliga, waxaana baryan dambe u soo xay-xaytay koox uu horboodayo Cabdi Ilay oo ah daba dhilifka wakiilka uga ah Itoobiya Ogaadeeniya sidii ay uga raaligalin lahayeen sayidkooda Meles wixii ka qabsaday Mareykanka iyo Koonfur Afrika.

Xayawaanka Illahay Abuuray mid walba wuxuu leeyahay dhaqan iyo dabeecado u gaar ah oo laga sooco inta kale dhurwaaga oo lagu yaqaano huguri xumo, ma dhargenimo iyo fulaynimo ayaan maanta uga soo qaadanay cinwaanka maqaalkan, waxaanan shiishka ku saari doonaa meesha uu marayo gumeysiga Itoobiya oo sidii dhurwaaga hunguri xumo darteed ugu soo noq-noqonaya Somalida qurba joogta ah.  Baryahan  Addiis Abbbab waxaa  ka socday dhacdooyin indhaha aduunka aad u soo jiitay kana cadhaysiiyey qaar badan. Waxaa ka mid ahaa xukunkii ay maxkamad ku-sheeg ku ridday Siyaasiyiin, Suxufiyiin iyo qaar ka mid ah Sarakiil u shaqaynaysay Qaramada midobay oo aan wax dambi ah ka galin Itoobiya aan ka ahayn gudashada hawshooda waajibka ku ah.

Gumeysiga  Itoobiya sida la wada ogsoon yahay waxaa  soo wajahday dhaqaale xumo badan. Asbaaba badan oo isbiirsaday darteed ay ka mid tahay wax soo  saarkii  beeraha oo hoos u dhacay gaar ahaan dalaga shacabka uu quuto. Dagaalada joogtada ah ee dalka ka socday mudada dheer iyadoo xukuumadda Wayaanaha dadkii beeralayda  ahaa ay ka soo qafaalayso marwalba tuulooyinka oo dagaalka ka socda Somaliya ama Ogadenya ku soo shubaysa iyo abaaro badan oo dhaliyay macaluul ay  badidood sabab u tahay taliska ka jira Addis  Ababa, waxaa soo raacay dhulbeereed kii oo shirkado lagu wareejiyay oo ka beeraya dalag aan gudaha dalka Itobiya laga cunin iyo ubaxa loo iibgeeyo subax walba Yurub iyo Mareykanka.

Waxaa wadanka xukuma Hal qof oo ah Mels Zinawi iyo afadiisa. Isaga ayaa ah Gudoomiyihii sare ee Maxkamada isaga ayaa ah Taliyihii Ciidanka, isaga ayaa ah Madaxweynihii dalka, Raisuwasaarihii dalka. Wax kasata isaga ayaa ah, dhaqaalaha dalkana waxaa gacanta ugu haya Afadiisa. Inta kale ee xukuumadda ku magacaaban waa magac-u-yaal aan ka shaqaynin waxaan ka ahayn in ay u adeegaan kooxda Meles/Asefe ama ay iska ilaaliyaan sirdoonka xukunkiisa.

Itoobiya waa dalka kaliya ee Aduunka ku yaala ee qofka tuhun dambi looga dhigo oo lagu soo xidho marka maxkamad la geeyona lagu yidhaahdo qiro dambiga lagugu soo eedayey haddii aad rabto in lagu sii daayo, haddii aad qiran waydo waan kugu xukumayna oo kolay dambiile ayaa tahay. Haddaad qirato(waa nidaamka loo yaqaano Gamagama) Meles baa ku cafini. Itoobiya oo adunku ka xidh-xidhnayd kumanaan sano ayaad moodaa hadda inay dib ugu noqonayso godkii ay ka soo baxeen markii xukunkii Mingisto la riday oo jaaliyadihii ka yimid dibadaha ay dalka dib ugu soo noqdeen iyagoo indha furan. Arinttaas waxay soo dadajinaysaa burburkii iyo dumustii Itoobiya.

Waxaa dalka  gudihiisa iyo dibadiisaba ka  socda mudaaharaadyo lagaga soo  horjeedo taliska macangaga ah ee Meles Zinawi. Afartii bilood ee u dambaysay  sanadkan  waxaa caasimadda  Addis  Ababa  ka  socday  mudaaharaadyo ay isugu soo baxayeen boqolaal kun Jimca kasta. Dhinaca kale, wadamo  badan ayaa kaalamadii dhaqaalee ay siin  jireen ka joojiyey  qaar  kalena  way  yareeyeen  kaalmada.  Dalka  Itoobiya oo guud  ahaan  ku  tiirsanaa  gargaarka  shisheeyaha  tan  iyo  laga  soo  bilaabo dhamaadkii  Dagaalkii  Labaad  ee  Dunida, ayay dawladaha  EU  waxay  ku  dhawaaqeen  in  ay ka  fiirsanayaan  dhamaanba  kaalmadii  ay  siin  jireen  Itoobiya  haddii  ayna  joojin ku xad-gudubka xuquuqul  insaanka ay  ku  hayso  dadaweynaha  gaar  ahaan shacabka Ogadenya.

Xukuumada  TPLF  markay  arkeen  khatarta  dhaqaale  xumo  ee  ku  soo  food leh  ayay waxay is-tuseen inay arintaasi sabab u yihiin qurba-joogta oo meel walba dhigay warbixino dhab ah oo ka xogaranaya djibaatada lagu hayo shacabka Itobiya taasoo hoos u dhigtay sumcadii xukuumadda Wayaanaha. Sidaa darteed ayay go’aansadeen inay dibadaha soo aadaan kolba wafdi isku dhaf ah oo ka kooban daba-dhilfyada uga adeega qawmiyadaha dhexdooda.

Hadaan u soo dhaadhacn arimaha Somaalida, gaar ahaan S.Ogadenya, taliska KT Meles wuxuu ku guuldareystay inuu helo shaqsi aqoon leh oo ka dhaadhicin kara beenta la doonayo in laga gado qurba-joogta. Markaad doonayso inaad ogaato farqiqa u dhexeeya habka loola dhaqmo Somalida iyo habka loola dhaqmayo qwmiyadaha kale waxaad ka eegtaa un dadka loo soo kala diro iyo habka loogu qancinayo mashruuca la doonayo in laga iibiyo qurba-joogta. Tusaale ahaan; mashruuca biya-xidheenka waxaa qawmiyadaha kale loo soo diray dad aqoonyahano ah oo u soo bandhigaqurba-joogta oo ka dhaadhiciya Qiimaha Dhaqaale ee Masruuca Biya-xidheenka (Economic Feesibilty of the Project ), meesha loo soo diray Somalida Cabdi iley iyo Doolaal A. Dhagoole oo doonaya inay kaga qaadaan lacag baad ah handadaad iyo naftiina ku badbaadiya oo bixiya lacagta la’idinku soo qoray, hadii kale ……….

Somali waxay u jabtay Meles Zinawi oo dhaqankiisa iyo habkuu u fikiro aan waxba dhaamin Cabdi iley sida ay noo sheegeen dad aad u yaqaana Meles Zinawi. Wuxuu jecel yahay Meles Zinawi in loo sheego inay wax walba yihiin OK oo kuwii halkaa joogay iyo kuwii kalee halkaa joogayba la soo baabi’yay oo intii ka soo hadhayna ay sawirkiisa xabadka ku wataan. Waxaa la sheegay inuu marmarka qaarkood Cabdi iley isagoo gacanta sii duubtay u tago Meles suu ugu sheego inuu soo feedhay nabadiidikii ama qaar neceb xukunkiisa.

Ceebta iyo fadeexadda ka qabsatay Australiya ama meela kaleba waxay u badan tahay inuu Cabdi iley kaga helo amaan KT Meles markuu tuso isagoo la feedh tamaya qurba-joogta.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah inuu fashilmay mashruucii loogu talagalay Qurba-joogta eed ka akhrisateen waraaqihii aan ku soo bandhignay baadhitaankii dheeraa ee cinwaankiisu ahaa – Ayamahaan Diblomaasiga ahaa .. Halkan ka akhri .

Ugu dambayn waxaan halkan uga hambalyaynaynaa jaaliyadaha Australiya, isku duubnida iyo geesinimada ay kaga hortageen qorshaha dhiigayacabka Itobiya.

Xaaji Maxamed/UK,London.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay