Waxaa saacadan aan joogno ka dhacay magaalada Garissa labo qarax oo waaweyn oo lala beegtay labo kaniisad oo ku taala magaalada Garissa,dhimashada ilaa hada la hubo waa 10 ilaa  dhaawac badana waxaa loola cararay isbitaalka guud ee garissa.

Labada kaniisad ee qaraxu ka dhacay waxay ku kala yaalaan jidka caanka ah ee la yidhaahdo Ngamia Road iyo dugsiga sare ee Count High agtiisa.

lagabilaabo waqtigii ay ciidamada Kenya galeen sidii ay ku qaban lahaayeen Jubooyinka ee gobolka Azaniya ayaa waxaa qaraxyo badan oo ka dhacay kenya sheegtay ururka Alshabaab ee ka dagalama gudaha somaliya. Balse qaraxan illaa hada cid sheegatay malaha.

Wixii tafaasiil ah dib ayaad kala socon doontaan.

Bile Xuseen ONA/Garissa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay