Ciidamada dawladda Somaliya eek u sugan gobolka Jubada Hoose ayaa ku dhawaaqay inay bad-qabaan oy gacanta ku hayaan afar shaqaalaha samafalada ahaa oo Jimcihii laga afduubay Xeryaha Qaxootiga eeKenya.

Gaashaanle sare Cabdullahi Macallim oo ah Taliyaha qaybta ayaa sheegay inay joojiyeen gaadhi u waday sahay afduubayaasha maalinta Axadda. Ka dibna markay ogaadeen inuu yahay kuwii afduubayaasha ah ay u gadh qaadeen meesha lagu hayo shaqaalaha oo ahayd xadka agtiisa meel u dhexeysa Diif iyo Dhobley.

Ka dib weerar lagu qaaday goor habeenamadii ah ayaa waxaa gacanta ay ku dhigeen ciidamada Somaliya sida ay sheegteen 3ex nin oo afduubayaashii ahaa ee afartii shaqaalaha samafalka ahaa oo caafimaad qaba.

Shaqaalaha samafalka ayaa waxay ka tirsanaayeen haya’adda Norwegian Refugee Council (NRC) waxayna kala kala tirsamaayeen dalalkaCanada,Norway,Pakistan, iyo Philippine. Haya’dda NRC ayaa ka gaabsatay inay arintan ka hadasho waxayna sheegtay inay bayaan ka soo saari doonto goor dhow.

Waxaa ilaa hadda gacanta afduubayaasha ku jira shaqaalihii laga afduubay Dhakhaatiirta aan Xuduuda Lahayn Oktoobartii la soo dhaafay.

ONA.     

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay