Qormadan waxaan ku eegaynaa socdaalka Adeegayaasha Gumeysiga Itoobiya gaar ahaa kuwa  ku hadla Luuqada Soomaaliga, waxaana baryan dambe u soo xay-xaytay koox uu horboodayo Cabdi Ilay oo ah daba dhilifka wakiilka uga ah Itoobiya Ogaadeeniya sidii ay uga raaligalin lahayeen sayidkooda Meles wixii ka qabsaday Mareykanka iyo Koonfur Afrika.

Maqaalkan wuxuu ku eegayaa qoraaga Xaaji Maxamad xaaladda Itobiya, iyo siyaabaha dhaqaalaha looga ururinayo qurba-joogta. wuxuu sheegay qoraaga, in marka laga hadlo arimaha Somaalida, gaar ahaan S.Ogadenya,uu  taliska KT Meles ku guuldareystay inuu helo shaqsi aqoon leh oo ka dhaadhicin kara beenta la doonayo in laga gado qurba-joogta. Markaad doonayso inaad ogaato farqiqa u dhexeeya habka loola dhaqmo Somalida iyo habka loola dhaqmayo qwmiyadaha kale waxaad ka eegtaa un dadka loo soo kala diro iyo habka loogu qancinayo mashruuca la doonayo in laga iibiyo qurba-joogta. Tusaale ahaan; mashruuca biya-xidheenka waxaa qawmiyadaha kale loo soo diray dad aqoonyahano ah oo u soo bandhigaqurba-joogta oo ka dhaadhiciya Qiimaha Dhaqaale ee Masruuca Biya-xidheenka (Economic Feesibilty of the Project ), meesha loo soo diray Somalida Cabdi iley iyo Doolaal A. Dhagoole oo handadaad iyo naftiina ku badbaadiya oo bixiya lacagta la’idinku soo qoray, hadii kale ……….

Somali waxay u jabtay Meles Zinawi oo dhaqankiisa iyo habkuu u fikiro aan waxba dhaamin Cabdi iley sida ay noo sheegeen dad aad u yaqaana Meles Zinawi. Wuxuu jecel yahay Meles Zinawi in loo sheego inay wax walba yihiin OK oo kuwii halkaa joogay iyo kuwii kalee halkaa joogayba la soo baabi’yay oo intii ka soo hadhayna ay sawirkiisa xabadka ku wataan. Waxaa la sheegay inuu marmarka qaarkood Cabdi iley isagoo gacanta sii duubtay  u tago Meles suu ugu sheego inuu soo feedhay nabadiidikii ama qaar diiday xukunkiisa. Ceebta iyo fadeexadda ka qabsatay Australiya ama meela kaleba waxaa u badan tahay inuu Cabdi iley kaga helo amaan Meles marka uu tuso isagoo la feedh tamaya qurba-joogta.

Halkan ka akhri maqaalka ..

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay