Ogaden News Agency (ONA)

Asaaskii SYL iyo Gobanimadii Jamhuuriyada Somaliya oo cod ah

Waxaa laga xusay meela kala duwan sanadguuradii Xoriyadda J. Somaliya. Inkastoo aan wax badan lagu dheefin 1da July, hadana ma jecla cadawga Somali ee maguuraanka ah isagoo la kaashaday qaar Somali dubka ka ah in la xuso maalintaa, oo dib loogu noqdo taariikhdii iyo fikirkii xisbigii SYL ee dhaliyay gobanimada. 1da July waa maalintii lagu dhawaaqay jiritaanka qaran Somaliyeed oo xor ah. Inkastoo 4ar maalin ka hor oo ku beegnayd 26kii June uu Ingriiska calankiisii ka dajistay Waqooyiga Somaliya oo looga dhawaaqay Hargaysa xoriyadda gobaladii uu Ingriiska gumaysan jiray, hadana 1da July ayaa noqotay maalinta loo aqoonsaday gobanimada Jamhuurayadii Somaliyeed ee dhalatay, ka dib markii labada gobol ee waqooyi iyo Koonfur ay dhisteen xukuumad midaysan oo leh hadaf umadeed oo ka tarjumahaya aragtidii xisbigii Somali Youth League (SYL)  ee u soo halgamay gobanimada.

Halganka SYL wuxuu ahaa mid gabi ahaan umadda Somaliyeed saameeyay oo ku dhisnaa Xoreynta iyo Midnimada umadda Somaliyeed ee loo qaybiyay 5ta qaybood. Wuxuu ahaa xisbi kacaan (Thowri) ah oo leh aragti umadeed, oo ka tagay taariikh iyo thaqaafad qoda dheer oo qofkasta oo Somali ah uu bidhaansan karo.  

Waxaan halkan idinku dhagaysiin doonaa odayaal ka mid ahaa halgankii SYL oo ka xogwaramaya taariikhdii iyo heesihii SYL.  

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

ONA.

 

 

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=13476

Posted by on Jul 3 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 7,164
  • Last 7 days: 55,843
  • Last 30 days: 243,405
  • Online now: 27
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com