Waxaa weli u socda oo waqtigii loogu tala galayna dhaafay Shirkii uu Cabdi iley isugu yeedhay  hangooladiisa kala jooga degmooyinka dalka. Shirkan oo uga socday magaalada Jigjiga ayay kaga arinsanayeen siday sheegeen habkii looga hortagi lahaa xoogaga ONLF ee ku soo badanaya bay yidhaahdeen deegaanada looga kala yeedhay gudoomiyayaasha iyo madax xafiisyada shirkaasi kasoo qayb galay. 10ban maalmood oo goradda la’iskula jiray ka dib ayaa shirka laga sheegay in hadana wakhtigii loogu tala galay inuu shirku soo gabagaboobo la kordhiyey oo lagu daray muddo todobaad kale.

Waa hubaal in arimaha ay ka arinsanayaan aanay sahlanayn, sababtoo ah waxay qandaraas ku soo qaateen hawshii ay diideen ciidankii Itobiya oo ka maagay inay u baxaan goobaha dagaalka, waxayna jiritaanka kooxdan ay ku xidheen ama in iyaga la waayo ama shacabka.

Ka hortaga iyo cabsida laga qabo xoogaga ONLF inay weeraro cusub oo balaadhan soo qaadaan ayaa waxaa garab socda is-qabqabsi iyo is-eedayn iyo iska hoos guurkii badnaa ee lagu yaqiinay kooxdan marka ay shirkanoo kale ay isugu yimaadaan halkaasoo ay gacanyarayaasha gumaysigu isku wanjalayaan. Dad xog-ogaal ah on ka wareysanay waxay yidhaahdeen ilaa iyo hada ma jirto wax nuxur leh oo ka soo baxay ama kasoo muuqda maamulka gumaysiga Itoobiya ee halkan ku shiraya, balse xaaladaha la’isugu yeedho ee gumaysigu kolba uu u soo dhiibo wakiiladiisa waa un tana kuday si ay isugu maaweeliyaan hawl baa socota oo berry ayaa la soo qaban ONLF.

Waxaa hanjabaadyo kul-kulul looga soo jeediyey shirka guud ahaan shacabka iyo dagmooyinka qaar ka mid ah oo loogu hanjabay in laga baabi’in doono dagmanimada sida magaalada {dhagaxmadaw}haday ka hortagi waayaan xoogaga ONLF ee khatarta ku haya ciidamada iyo maamulka dabaqoodhiga ah ee gumaysiga Itoobiya.

Waxa kali ah ee la hubo inuu shirkan ka soo bixi doono waa laynta shacabka aan waxba galabsan ee birmagaydada ah .. kuwaasoo ay ka aargoostaan markasta oo ciidamada gumaysiga ama maxaysatada Hawaarin lagu jabiyo goobaha dagaalka.

Jigjiga/ONA.

 

 
 

1 Comment

  1. wiiljwxo says:

    haa waa niman fashilan, waayo waa damiir laawayaal

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay