Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si isdaba jooga u imanayay magaalada Toronto ee dalka Kanada wufuuda jaaliyadaha reer Ogaadeenya oo ka kala socda dhamaan qaaradaha aduunka. Wufuudan ayaa laga soo daabulayay dhamaan eraboorada, xarumaha tareemaha iyo waliba boosteejooyinka basaska. Wufuudan ayaa kakalatimid qaaradaha Waqooyiga Ameerika, Europe, Africa, Australia iyo waliba Aasiya.
Wufuuda ayaa u timid shir sanadeedka jaaliyadaha reer Ogadenya oo sanadkan magaalada Toronto aay nasiib u yeelatay inaay martigaliso. Shirku wuxuu bilaabanayaa shanta July wuxuuna soconayaa ilaa sagaalka July.
Wufuuda waxaa soo dhoweeeynayay madaxda jaaliyada reer Kanada. Waxaa lageeyay wafuudii oo idil hotel gaar ah oo loogu talagalay inaay dagaan inta uu shirku socdo.
Waxaa wufuuda iyana la socday madaxda sar sare ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO). Waxaa kaloo weheliyay khabiiro ku takhasusay kahadalka arimaha xuquuqul insaanka, xasuuqa dadka aan waxba galabsan, iyo waliba weriyayaal ajnabi ah oo shirka kasoo tabin doona.
Hadaba ha moogaan website oo idiin soo tabin doona si live ah shirka maalinta uu furmo iyo maalinta sabtida ah ba. Waxaad kalood kala heli doontaan websiteka dhamaan sawirada, video ga iyo warbinta shirka oo tafaftiran saacadwalba inta uu shirku socdo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay