Manta oo Jimca ah July 6, 2012, waxaa si rasmi ah Magalada Torornto ee wadanka Canada uga furmay shirkii sanadlaha ahaa ee jaaliyadaha Somalida Ogadenya ee aduunka oo dhan.
Hadaba abaarihii 11:00 subaxnimo ayaa waxaa shirka lagufuray aayado qur’aanka kariimka ah  ah oo uu akhriyay Sheikh Shaafi, Kadib ayadaha quraanka kariimka ah ayaa waxaa madashii shirka lagu bilaabay heesta calanka qaranka Ogadenya oo ay qaadeen xidgaha dhalinta iyo ardayda Somalida Ogadenya (OYSU).

Waxaa madasha soo dhawayn iyo mahadcelin ka soo jeediyay madaxa qabanqaabada iyo isku duba ridka shirka sanadlaha ah, Professor Moxamed Cismaan Gaab.
Dhanka kale wxaa shirka si rasmi ah khudbad dhaxal gal  ha oo dhinacyabadan taabanaysa madasha shirka ugu furay ka soo jeediyay Gudoomiyaha Jabhada wadaniga xoraynta Ogadenya Admiral Moxamed Cumar  Cismaan.  Gudoomiyaha waxaa uu warbixin dheer ka bixiyay xaalada gude iyo dibad ee shacabka somalida ogadenya  ay ku suganyihiin. Shirka ayaa wakhtigan xaaliga ah socda wararka oo tafa Tirana dib ayaad ka heli doontaan ee la socosho wacan.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay