Muwaadin ciidanka gumaysiga itoobiya Gaadhi ku Jiidhsiiyeen Qoraxay.
War dag dag ah oo hada soo gaadhay wakaalada ONA ayaa sheegaya in muwaaadin u dhashay dalka ogadeenya maanta ciidamada cadawgu baabuur Uraaal ah ku mariyeen banka qoraxay oo ka tirsan gobolka qoraxay ee Ogadeenya.
Allaah ha uraxamee marxuunka ay ciidanka gumaysatada itoobiya sida xun u jiidhsiyeen baabuurka ayaa lagu magacaabaa Aar Abdi diiriye. Sida loo xaqiijiyay wariyaha wakaalada ee dalka koonfur africa marxuunka ayaa geel la joogay maanta markii ay ciidamada itoobiya gaadhiga jiidhsiiyeen.
Marxuunka ayaa lagu aasay magalada qabaridahar. Waxii warar ah ee ka soo kordha arintan iyo guud ahaan ogadeenya si aad ula socoto ONA isha ku hay.
ONA/Johannesburg.
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=13617














