Waxaa abarihii 12:00 duhurnimo sacada Toranto maalintii labaad  ka furmay shirwaynihii 18 ee Jaaliyadaha Somalida Ogadenya  ee halkaasi ka bilowday maalintii Jimcaha ahayd.
Ayaado qur aan ah iyo heesta calanka oo shirka lagu bilaabay kadib Shirkan ayaa isgu jawi aad u qurxoon wakhtigan xaaliga ah ku socda. Ugu horayna waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Engineer Xasan Kamaal oo isagu si qota dheer uga war bixiyay taariikhda iyo u jeedoonyinka shirwaynaha jaaliyadaha Somalida Ogadenya.
Waxaa kale oo Khudbad dhinacyabadan taabanaysa kuna saabsan halganka iyo xubinka Hooyada halkaasi ka soo jedisay Drs Cibaado Xirsi Mahad.
Waxaa xuid mudan walaal Soomeeliyeed oo lagu magacaabo Abdi Dirshe oo halkaasi ka soo jeediyay  khudbad ciwaankeedu ahaa “Soomaliya Nabad ma heli karaysaa inta Soomalida Ogadenya Gumaysi ku jirto?’ walaalkan Soomaliyeed ayaa si aad ah ugu nuuxnuuxsaday inay lagama maarmaantahay inay bulshada Soomaliyeed garab istaagaan halganka Ogadenya lagu xoraynayo.
Waxaan marnaba la illawi Karin khudbadii qiirada lahayd ee uu halkaasi ka soo jeediyay Hogaanka abaabulka iyo arimaha bulshada Dr. Mohamed Abdi Yasiin Diirane. Mudane diirane ayaa isgu si waafi ah uga warbixiyay xaqnimada halganka iyo xubinka Soomaalida. Mudane diirane waxaa uu xaqiijiyay in la gaadhay wakhtigii lala xisaabtami lahaa dhamaanba dadk jinsiga Somaliga u nasab sheegta bala u adeega gumaysiga wayaanaha .
Dhanka kale Professor Ahmed Omar ayaa isagu khudbadiisu waxay ahayd garnaqsi uu leeyahay “Ma dhabaa Mise waa Dhalanteed Barwaaqadu?
Khudbadaha oo aad ufara badnaa ayaan marna suura gal ahayn inaan halkan ku soo koobno balse gabi ahaan ba shirka ayaa wakhtigan xaaliga ah si habsami ah u socda.
Shirkan oo malintii labaad socda ayaan waxaan ugu bishaaraynaynaa akhristayaashanada sharafta leh inaan idiin soo tabindoono barnaamijyada shirkan ee maal maha soo socda.
Maxamed Darba Wayne.
Toranto Canada.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay