Waxaa manta oo axad ah July 8, 2012 lagu soo xidhay Shirwaynihii Jaaliyadaha Somalida Ogadenya uga socday magaalada Toranto dalka Canada. Wajiga manta shirku uu galay ayaa ahaa waji ay ku kulmayeen dhamaanba xubnaha ururka halganka  ee isga kala yimid dunida dacaladeda.
Wufuuda jaaliyadaha Somalida Ogadenya oo ka kalayimid dhamaanba qaaradaha aduunka ayaa maanta ku soo bandhigay waxqabadkoodii howlaha halganka ee sanadkii la soo dhafay iyo shaqo qaybsiga sanadka soo socda.

Waxaa kale oo maanta kulankan qayb ka ahaa siminaaro iyo aqoon iswaydaarsi ay xubnuhu halkaasi iskuwaydaarsadeen. Siminaarka ayaa isagu ahaa mid midha dhal ah oo ay dhamaanba xubnihii ka faaiidaysteen.
Waxaa la odhon karaa shirwaynahan jaliyadaha  waxaa ay noqotay guul wayn oo usoo hooyatay bulshada Soamlida Ogadenya ee halganka xaqa ah ugu jira xoriyada Ogadenya.

Waxaan akhristayashanada ugu bishaaraynaynaa inaan idiin soo tabin doono warmurtiyaadka lafilayo inuu ka soo bixi doo Shirwaynahan  18aad ee Jalliyadaha Somalida Ogadenya oo sanadkan lagu qabtay dalka Canada.

Moxamed Darbawayne,
Toranto, Canada.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay