Ururka Action Support Centre oo ku darsaday Qorshayashisa Sidii uu u caawin laha Qadiyada Ogadeniya
Ururka OYSU oo kulamo wada shaqeyn ah la yeeshay Ururka Action Support Centre dhamaadki bishii laso dhafay ee (27 June 2012) ayaa waxa lagu xariiqay in Ururka OYSU laga caawiyo arrimo badan oo dhanka xirfada ah iyada oo ururkan ASC oo wada shaqeyn buuxa la yeelan doono ururka OYSU isla mar ahaantaasna uu kala shaqeyn doono Qadiyada Ogadeniya sidii loogu sameyn lahaa maflaxad caalamku ka arki karo. Waxna looga qaban lahaa dhibaatoyinka khilaafaadka daggaal iyo gumeysi ee ka jira Ogadeniya mudada qarniga ah.
Ururka OYSU ayaa soo bandhigay waxqabadkiisa iyo himiloyinkiisa isaga oo sharaxaado ka bixiyay xaaladaha gumeysi ee dhulka Ogadeniya ka jira. Sidoo kale waxa sharaxado bixiyay ururkan Action Support centre oo ka xog waramay innuu u taaganyahay sidii uu wax uga qaban lahaa waxna ka qabto dhibaatoyinka ay kamidka yihiin kuwa ku habsaday Ogadeniya. Sidaas awgeed waxa ay shaqo ka dhigan doonan kuna darayaan kaambaynka ay qaadaan Ogadeniya. Midaas oo ah guul kale oo ururka dhalinya OYSU usoo hooyay Qadiyada Ogadeniya.
Ururkan ASC ayaa sheegay in ururka OYSU uu ka caawin doono arrimo badan oo kamid yihiin sida loo dhiso ururada loona kobciyo, qaabka xidhiidhada loola sameeyo haayadaha kale ee calamiga ah. iyo mida uguweyn oo ah innuu baro qaabka loola daggaalamo tacadiyada gumeystayaasha. waxa kale oo ay balan qaaden in ururka ay kuxidhi doonaan meelo badan oo caalami ah iyo kuwo lokaal ah ilaa heer dowladaha ay dhexgalaan.
Sidoo kale waxa dhinaciisa ururka OYSU uu soo gudbiyay qorshayaasha ay rabaan inay ku howlgalaan isla mar ahaantaasna ay ka wada shaqeyn rabaan ururkan ASC.
Ururka OYSU ayaa sheegay in ahmiyada ururukan ay qeybahiisa ugu weyn at tahay inay wacyi galin siyaan bulshada caalamka iyo midka Somalida Ogadeniyaba. Sidaas awgeed waxa aan xiisaynayna in ASC ay kaalmo badan naga siiso sidii ay ururada la xidhiidha ama hayadaha Dowli iyo kuwa aan dowliga ahaynba ee wax ka qaban kara la daggaalanka Gumeystaha isku kaaya xidho. kuwaas oo isla mar ahaantaasna kor u qaadi kara heerka wacyi ee bulshada caalamka ee la xidhiidha ka war qabka Xaalada Gumeysi ee Ogadeniya ka jirta. in xidhiidhada noocaas ah ururka ASC taakuleyn kasiiyo Ururka OYSU ayaa la isku afgartay. ASC sidoo kale dhinaceeda dadaal uga gasho sidii qadiyada Ogadeniya ugu ololeyn laheyd meelkastaba.
Waxaana qorshayaashan oo si xeelad dheer looga dooday lagana soo saaray qodobo la ansixiyay sida ka muuqda qoraalada kore ee Muqalada ah lagu soo gabagabeeyay kulankii OYSU iyo Action Support Centre dhexmaray 27 June 2012. Waxaana arimahaas durba kabilowday qorsheyaal iyo shaqoyin taabo gal noqday durbaba.
Dhalinta ogadeniya ee OYSU ayaa wadamo badan oo calamka ah ka wada dhaqdhaqaaqyo xoogan. iyo xidhiidho ay ku baadi gobayaan sidii qadiyada Ogadeniya Heer Caalami looga doodi lahaa. Waxaana durbaba goobo badan oo Caalmka ah Qadiyada Ogadeniya ay miiska u saarantahay haba ugu horeyso Xafiisyada EU, UN-ta iyo Wadanka Mareykanka. Waxaana Guul weyn ah in Wadanka South Africa uu siiyo mudnaan iyo xiiso siyaasadeed Qadiyada ogadeniya taas oo keeni karta inay soo dag dagto Xoriyada Ogadeniya.
ONA
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=13878














